Yusuf Garaad Aqoon La’aan Laguma Tilmaami Kare Maxa Ka Qaldamay

Waxaan isha mariyey maqaal dheer uu Yusuf Garaad bartiisa face buuga ku bahiyey uu ku amaanayo, una habal-yeynayo Maamulka Beeleysan ee Hargeysa ka taliya Xuska 18 May oo maamulka kor ku xusun ugu toosan sida ay sheegtaan inuu yahay maantii Xuriyadda iyo madax-banaanida, ayna ka tashadeen kana baxeen midnimadii Somalia oo noqdeen dal madax-banaan.

Mudane Yusuf Garaad laguma xaman karo aqoon yari iyo waayo-aragnimo hooseysa. Wuxuu xilal muhiim ka soo qabtay DFS, Safiirka Somalia ee Washington,
iyo wasirka arrimaha dibedda. sida darteed lagama filaneyn inuu qayb ka mid ah dalka oo falaaga ah inuu ku dhiiri geliyo go’aanka khaldan ay qaateen, ee Qarannimada Somalia khatar ku ah, dhawaacana u geysanaya

Yusuf Garaad ra’yigiisa xor ayuu u yahay, meesha uu rabo ayuu la mari karaa, laakiin lagama aqbalayo inuu xuquuqda beelaha kale ee dega Gobolada Woqooyiga Somalia iska indha tiro, maqaal-kiisana ku muujiyo in masiirka iyo mustaqbalka gobolada Woqooyiga ay beesha Isaaq leedahay, beelaha kalena xuquuq tiro.

Gobolada woqooyi Beesha Isaaq marka laga reebo, waxaa diga beelaha soo socda:
1. Dhulbahante
2. Wersengeli
3. Samaroon (Gudabiirsi)
4. Ciise
Yusuf Garaad maqaalkiisa dhinaca u qalooca, wuxuu ku taageeraya oo dhiiri gelinaya xaqdarada ay Beesha Isaaq ku hayso beelaha kale, oo caado u noqotay inay cabudhiso, xabsiyadana ka buuxiso beelaha kale ee aaminsan midnimada Somalia, ee dhiigga baddan u daadshey ( Duulaankii iyo xasuuqii Kalshaale 2011).

Nuxurka maqaalka Yusuf Garaad waxaa laga urinayaa inuu beesha Isaaq hibo u siiyey lahaansha Gobolada Woqooyi, isaga oo baal maraya, indhahana ka xidhanaya ballaca iyo baaxadda dhulka iyo deeganada hoos taga ee u gaarka ah beelaha aan Isaaqa ahayn.

Waa run in Beesha Isaaq degto magaalooyinka muhiimka ee woqooyiga Somalia, Sida Hargeysa, Berbera iyo Burco, oo aan kala fogeyn, tusaale:
1. Hargeysa – Berbera ( Distance 142 km)
2. Hargeysa – Burco ( Distance 161 km)
3. Berbera – Burco ( Distance 117 km )

4. Beesha Isaaq waxay kale oo deegaan u ah, laga bilaabo, degmada Gabiley (Galbeed) oo Hargeysa u jirta 58 km, ilaa degmada Ceerigaabo (Bari ) distance 695 km.

Baaxdda dhulka ay degaan Beelaha aan Isaaq ahayn
waa sidatan:

A) Beesha Dhulbahante waxay ku fidsantahay oo deegan u ah laga bilaabo tuulada Guumeys (10 km bariga degmada Caynaba) kuna dhamaada Geedka Yoocada (3-4 km) Galbeedka Degmada Garoowe, (Distance 260 km).

😎 Laga bilaabo koonfurta magaada Ceerigaabo, kuna dhamaata Buuhoodle, Xaduuda Somalia iyo Ethiopia
(Distance 520 km)_

C) Beesha Warsengeli waxay daadsantahay laga bilaabo Bariga Degmada Cergaabo, ilaa Tuulada Qaw oo ku taal duleedka Degamada Bosaaso,
(Destance 460 km)

D) Sidoo kale, laga bilaabo Bariga Ceerigaabo, ila Degmada Ceel Daahir oo ku taal wadada u dhexeysa Bosaaso iyo Qardho, (distance 310 km)

E) Beesha gadabuursi , waxaa deegaan u ah Galbeedka Degmada Gabiley ila degmada Zailac oo ku dhow Xuduuda Jabuuti, (Distance 360)

F) Beesha Ciise waxaa deegaan u ah laga bilaabo degmad Lughaya ila xadka Ethiopia

Haddii aan u gudbo dhinaca maamulka iyo Degmooyinka waxaa cad oo marag madoonto ah in Beelaha uu Maamulka Hargeysa ku timaamo Darfyada ay ka degmooyin badanyihiin Beesha Isaaq ee dhexda degta dhulkii la isku odhan jirey ” British Somaliland protectorate”

● Degmooyinka beelaha Isaaq waa sida hoos ku cad:
1. Deg.Gabiley
2. Deg.Hargeysa
3. Deg. Berbera
4. Deg. Shiikh
5. Deg. Burco
6. Deg Odweyne
7. Deg. Caynaba
8. Degmada Ceel-afweyn

● Degmooyinka beelaha kale aan Isaaq ahayn:
1. Deg. L/Caanood
2. Deg. B/Hoodle
3. Deg. Xuddun
4. Deg. Taleex
5. Deg. Badhan
6. Deg. Dhahar
7. Deg.L/Qoray
8. Deg. Boorame
9. Deg. Zaylac

Waxaa xusid mudan in Beelaha Isaaq naciib u heleen oo Eebe dejiey saddexda Maagaalo ee ugu caansan gobolada woqooyi ,
Hargeysa oo caasimadda ah, Berbera oo dekedii weyneyd ah iyo Burco oo magaaladii labaad,
waa saddex geesoodka (tri angle) ee lagu khaldamo in deegaanda beelaha Isaaq ka badanyahay beelaha kale.

Fiiro gaar ah:
Masaafadaha ( Distance ) waxaan kala soo baxay barta Google

Waxaan ka raalli gelin ka bixinaya inaan sheegay magacyada Beelaha, oo aanan dhaqan u ahayn. waxay iigu muuqatay inaan sheego si akhristuhu u fahmo xaqiiqada iyo xaaladda dhabta ah iyo sida beeluhu u kala degaan dhulkii la isku odhan jirey British Somali Somaliland

11 Comments

  1. Waxa u deegaanka yar waa jegernata dhulbalaasi bay rabaan gaalada usheegaan .yusuf aqlixumomahayso ee aa usc hore oo reer kiisa deganaa mudo markuu shaqalaha bbc ahaa. Marka magaca hargaysa ee uu bbc kashegi jiray baa buur la noqday. Deganada gadabuursi iyi dhulbahante warsangali. Wuu xaqira waayo haduu sa m anaanin jegaanta way caayaan isaga Marka wuxuu ogaday in a maanta jecelyihiin muda dheer ogaada jegaanta cidii rinta usheega way soo cayaan .tan lake isaga galmudug kasoo jeedaa. Degankiisa maamul fiican ka majiro Marka dadkale buu siyasad kadhiga nayaa. Galmudug hadii wax laga waydiiyo kama jsbwasbi karo. Sababta degaanka uu kasoo jeedo khilaafka iyo dariska da maalayacniga yacm iga ugu jiraan. Muda dheer.

  2. Waxaan oranlahaa Yusuf yuusan isku mashquulinin gobolo kale ee xooga ha saarokuna mashquulo inuu Goooobolada dhexe ku sooceliyo maskaxdooda inay iimaansadaan gobolkooda kuna hesjhiiyaan. Gobolada kale ay dhaca iyo burcadnimada iyo guryaha aysan lahayn ooga ku haystaan ka dhaadhiciyoin ay Islaamyihiin baro waxa xun iyo waxa wanaagsan Ninkii ka soo kaxeeyay Gobolada dhexe inuu qaldanaaa

  3. Waxay ku tusaysaa once an Indian always an Indian. Macnaha doofaar ma daahiro Hawiye dowladnimo iyo wadaniyad ka dheer

    • Waligaa Anonymous isku qari waan naqaan dadka sidaan u fikiro.
      Qoraalka waxaa looga hadlayaa Yuusuf Garaad maxaa keenay qabiilkiisa Hawiye.
      Meesha aad u socotid oo aad ka jirrantahay ma aha Yuusuf ee cudur qabiil baa ku haayo oo la yiraah Hawiye naceeb.
      Hawiye waa qabiil Soomaaliyeed hadii aad necbantahay ee Soomaali ma tihid fadlan Soomaalinimo ha sheeganin sabatoo ah been baad isku sheegeysaa. Dadka Hawiyaha naceb fadlan sameysta dowlad kale magacaad rabtiin la baxa kana tala baxa intuu naceeb Hawiye idin ku jiro in aad jeclaatiin Soomaalinimo.
      Mid waa taa midda kale aad leedahay Hawiye dowladnimo iyo wadaniyad ka dheer waxaan ku leeyahay meeshaan waxaad ku qiratay in aad tahay jaahil oo aan la soconin taariikh Soomaaliyeed.
      Hawiye waa qabiilka lawada ogyahay ee Soomaalinimada u huray xoolo, dhul iyo in uu dhiig u daadiyo.
      Soomaalida waxaa ugu Qabiilada ugu balaaran waa Hawiye, Dir, Daarood iyo Digil iyo Mirifle.
      Hawiye waa qabiilka kaliya dhulkiisa ku soo dhaweeya Soomaali oo idil oo walig aan dareemeynin in eey marti ku yahiin. Ma jiro qabiil kale dhulkiisa sidaas Soomaalida ugu soo dhaweeyo.
      Halgankii Gobanimadi iyo markii xornimadi la qaatay waxaa ummadda Soomaaliyeed hogaaminaayey Hawiye.
      Inta aan xornimada la qaadanin dowladdi daakhilyada ahey waxaa hogaaminaayi Raysul Wasaare Cabdullaahi Ciise oo ahaa nin Hawiye, Habargidir, Sacd.
      Markii Xornimada la qaatay oo Madaxweynimda Dowladda Soomaaliya u tartamay laba nin oo labadooda eey yahiin Hawiye waxeyna kala ahaayeen Sheikh Cali Jumcaale oo Xaawaadle ahaa iyo Aadan Cabdulle Cismaan oo Mudulood ahaa.
      Waxaana tartankaas ku guuleystay sida aad la socitid Madaxweyn Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan Cadde” waxuuna xukunka soo waday 1960 iyo 1967.
      Raysul Wasaare Cabdullaahi Ciise waxuu xukunka ku wareejiyay Aadan si Dimoqraadiyad ah oo nabad ku jirto.
      Madaxweynihi ugu horeeyay oo aan Hawiya aheen waxuu ahaa Cabdirashiid C. Sharmaarke oo u dhashay Daarood. Madaxweyne Aadan waxuu xukinka ku wareejiyay Cabdirashiid si Dimoqraadiya ah oo nabad ku jirto.
      Cabdirashiid markuu haayey 1 sano iyo bar waxaa dilay nin Daarood ah.
      War yaahee ma ila socotaa Hawiye intuu xukunka hayey waxaa jirtay dowladnimo iyo kala dambeyn iyo sharaf markii Daarood lagu wareejiya waakan waxaa bilawday in Madaxweynihi la dilay yaana dilay Daarood kale.
      Jooji meeshaas yaa cawaan ah ilaa iyo hadda Soomaaliya ma jiri 10 sano Daarood kurisigi ayaa nabad loogu wareejiya waakaas si cawaan ah ayeey madaxweynihi nafta ugu qaadaan.
      Daarood meeshaas dowladnimo waa looga wanaagsan yahay.
      Intaas markeey ahayd oo la dilay Madaxweynihii Daarood waxaa dhacay Inqilaab oo xoog ah uu midkale Daarood ku qabsaday.
      Daaroodkaan xooga ku qabsaday dowladnimadi oo ahaa Maxamed Siyaad Barre waxuu bur buriyay nidaamkii Dimuqraadiyaddi waxuu mabnuucay Xisbiyadi Siyaasadda, waxuu ka takhluusay Baarlamaankii waxuu burburiyay Saxaafaddi Xorti ahayd waxuu xabiska ku xaabay kulli siyaasiyiinti waddanka oo idil.
      Meeshaas Maxamed Siyaad Barre waxuu baabi’iyay nidaamkii ee Dimoqraadiyadda ahayd ee ummada Soomaaliyeed ku heshiisay waxuuna la yimaaday Dictatooriyad Shuuciyad oo ummadda raali ka ahayn.
      Marka waxaad ii sheegtaa waxaa dowladnimadi Soomaaliyeed ku ciyaaray oo ballantii ummada loo ballan qaaday ka baxay.
      Burburinti Xukunkii Dimuqraadiyaddi waxaa dheer in uu Maxamed Siyaad Barre u isticmaaly awoodii ciidanka dalka in uu ummadda ku baabi’iyo asagoo qabiil qabiil u gumaadaayo.
      Sidii markaas dowladnimadi ummadda sida hog dheer ugu dhacday waatan tan iyo hadda laysku fahmi la’yahay.
      Waxii intaas ka dambeeyeyna waa Ninkii Roon Reerka ha u haro.
      Hawiye Dowladnimo cid ugu horeeso ma jirto.
      Dagaalna cid ugu horeeso ma jirto.
      Soomaalinimo cid ugu horeyso ma jirto.
      Ilaa iyo Soomaaliya seddex Madaxweyne oo Daarood baa soo martay seddexdana qof si nabad ah kursiga ku wareejiyay ma jirto. Cabdirashiid waa la dilay, Maxamed Siyaad Barre waa la eryay. Cabdullaahi Yuusuf waa la eryay.
      Madaxda Hawiye kulli si nabad ah oo Dimuqraadiyada oo sharafle ku dhisan dowladnimo wanaag ayeey xilka ku wareejiyeen waa marqaati ma doonto. Raysul Wasaare Cabdullaahi Ciise, Madaxweyne Aadan, Madaxweyne Cabdiqaasim, Madaxweyne Sheikh Shariif, Madaxweyne Xassan Sheikh.
      Taariikhda Soomaaliya waa taas marka adigu hadii aad isleedahay sheekooyinka naagaha lagu shukaansado meeshan keen waa ku qaldantay meeshaan waxaa ku sheekeysto rag ma fahantay.
      Waxaa kale kuugu daraa Qabiilka Daaroodka la dhaho in eey yahiin kuwa cadowga dalka ku soo hogaamiyo.
      Maxamed Siyaad Barre nidaamkii Dimuqraadiyaddi ayuu burburiyay. Hargeysana waxuu ku burburiyay calooshood u shaqeystayaan oo uu ka soo kireystay South Afrika.
      Cabdullaahi Yuusufna waxuu Villa Soomaaliya ku soo dhaweey cadowgi ummadda Ethiopia.

      Taariikdha Soomaaliya hadii eey sidaan tahay sidee baad been u sheegi doontaa???????

      Cadowaga Hawiyaha Allaha Jabiyo. Aamiin
      Waxii Hawiye naceb Allaha Jabiyo. Aamiin

      Hawiye ha noolaado. Aamiin
      Soomaaliya ha noolato. Aamin

  4. Harti, samaroon , gabooye… waa caruurta iidoorka, Dhulku waa Somaliland qofka taa diidan , Somaland ha guuro xaq buu uleeyahay.

  5. To: Mubarik Yusuf

    Waa sax waa fulay Daarood. Waliba Daaroodkuu yahay ma taqaan? Waa kuwa Soomaaliland deggan.
    Daarood Soomaaliya deggan wey yaqaaniin waxuu Hawiyo galo ama gudo sida naagaha oo kale ma u caytamaan.
    Daaroodka Soomaaliland deggan ma yaqaanin Hawiye oodwadaana ma aha waxeey meesha ku hayaan waa “Aaboow kan yar iga celi kan weyn baan iska celinayaa”.
    Mubarik dadkiina Soomaaliland ma naga celineysiin mise waxaad rabtiin in aan meesha ugu nimaano oo aan garbashkooda la dhacno
    War niman yahoow hadii aad tahiin reer Soomaaliland idinka ayaa idin ka xishooneynaa maahane dadkaan Daaroodka idin la deggan hadal xun iyo fiiro xun xataa kuma dhaceeyn.
    Reer Soomaaliland shaqadiina si fiican u qabsada.

  6. samaaale… hada ayaad i fahamatay…in daaroood jiran yahay. magac aanu uu lahayn yahay dad la gumaysto 2020.

  7. Hawiye.. waa qabiil sharaf leh ma caayo.. marka aan caayayo waxaan ku idhaaadaa Ciidanka ugaandha iska celiya dhulkiina haysata.

  8. Kullu fitna cinda samaroon iyo harti?
    Maxaa wacay?
    Maxaa iidoorka uunsaaray oo ay uga lushaan?
    Jabuuti sowtan gooni isutaagtay samaroonta iyo awdal hadaanay Rabin Somaliland waxaa ubanaan in ay kubiiraan jabuuti ama itoobiya,
    Sidookale hartigu Hadii aanay Rabin Somaliland waxaa ubanaan in ay kubiiraan Puntland iyo Itoobiya,
    Hadal iyo dhamaantii jabuuti, Ogadeniya iyo puntland oo wada socda ayay hargeysa utahay caasimad ee haloo ogolaado maqaamkeeda magaalo madaxnimo
    Hadii taa lawaayay isaaq wuxuu xaq uleeyay in uu dalkiisa Somaliland hanto una madax banaanaado,
    Weliba anigu waxaan kula talinlahaa in ay magaca Somaliland kubedelaan Iidoorland ,
    Ciid wanaagsan

Leave a Reply

Your email address will not be published.