Xusuus:- MD Aadan Cadde wuxu dhintay maanta oo kale 2007 “Maxaa lagu xusuustaa?”.

Allaha u naxariisto. Madaxweyneheenii ugu horeeyey Taariikhda Soomaaliyeed Marxuum Adan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade) oo geeriyooday isaga oo 98 jir ah maanta oo kale 8 June, 2007.

Madaxweyne Aadan Cade waxa uu mudo dheer si sharaf & hagar la’aan ah ugu soo shaqeeyey dalka & dadka Soomaaliyeed isaga oo ah muwaadin gobanimodoon ah, Gudd. Xisbigii SYL (1954 -1956) & (1958 – 1960), Gudd. Baarlamaan (1958 – 1960) & Madax. Jamhuuriyada Soomaaliya (1960 – 1967).

Hogaankiisu waxaa uu ka dhigay Soomaaliya dal dimuquraadi ah kii ugu horeeyey ee ka hana qaada qaarada Afrika isaga oo madaxweyne u noqday Soomaaliya oo mideysan lehna Xisbiyo Siyaasadeed & Dastuur lagu ansixiyey Afti Qaran. Ka dibna waxa uu xilka uga degay doorasho dimuquraadi ah.

Eebow U Naxariiso Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan. Aamiin, Aamiin.

20 Comments

  1. Halyey Aadan Cabdulle Cismaan kollay qowmiyadda Daarood ee Soomaaliyeed aad bay u jaceshahay oo ay ugu faanaan.

    Magaciisa iyo taariikhdiisa dahabiga ahna aad ayaa guri kasta oo Daarood looga xusaa oo lagun a qaddariyaa.

    A REAL NATIONAL HERO AND A CULTURAL ICON. REST IN PEACE.

    • Hawiye waxaa ka dhashto Halyeeydaan oo kale oo magaca Soomaaliyeed iyo Qaranka u huray wax kasto. Allow Jannatul Firdowsa ka waraabi. Aamiin

  2. MD Aadan Cade waxa uu ahaa Madaxweynaha Keli ah ee sida dhabta ah Soomaaliya uga jirey. Intii kale ee ka danbeysay waxay ahaayeen qaar dhiciaoobey, kuwo fashilmay iyo Qaar Taariikhda Baalasheeda madmadow ku suntan.

    Illaahey ha’u naxariisto.

  3. Ina cawadow sokuwii ms laf dhuun gashay ku noqday sidan taarikhda
    Ku hayo waxa la yiri cadirasaq xaaji xusen warqada xafiiska aadan cade kaso baxdaba duspin ku ridi jiray
    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Alle ha unaxariisto labadoodaba.

  4. Xaaji Saalaxoow dacaayaddu waa meesheeda laakiin xaqiiqadu waxay tahay in Soomaaliya iyo Soomaaliweyn ba ay teer iyo xorriyaddii ka degi la’yihiin oo qarannimo waadha u hanan kari la’yihiin iidoor iyo Habar Gidir. Taariikhda caalamka ayay ku duugan tahay taasu oo iidoorku af ay cid kale ku taagaan ku maba yaallo sidooda ba.

    Haddii aanay Daaroodku Soomaaliya iyo Soomaali ba gabbood iyo gaashaan u noqonin maanta maba aynaan jirneen. Min lixdamaadkii mar kasta oo ay iidoorku iyo Habar Gidirtu qarannimada dhaawaceen oo ay jiritaanka ummadda Soomaaliyeed halis galiyeen Daarood baa u soo baxay oo qarka ka soo qabtay. Iyana taariikhda dunida ay xaqiiqadaasu baal dahab ah kaga qoran tahay.

    Hodhodho!

  5. Ina cawadow habenki ay hargeysa xornimada qadatay somali jacay daraded
    Miyanay calankodi ogayn xamar bila shurud
    Oyna kuwii s.y.l nagu qosqoslin waliba ader cade wuxu ahaba la yiri ninki kalmada qaldan bixiyay
    Waa qaldamiin dawladodi bay bilaa shurud iskaga kenayaan
    Mida kale hargeysi miyanay aheyn meeshi ugu badneyd ee hesaha wadaniga laga qaadi jiray

    Shantoo isracda wanagsayde.
    Iyo heeso kale oo badan.

    Hadaba runta hadaad donayso reerkay soomaali kadagi wayday
    Ilaa iminkana qasaya waa maxamud saleban
    Oo donayaya in ay kaligood wadanka u taliyaan kkkkkkkkkkkk
    Dee anagu hader shaqoba kuma lahin lkn waagi hore waanu la dhigi jirnay oo fartay kenanba mid kadaran ayanu soo dhigi jirnay

    • Maandhe geesiyadii Woqooyiga xorriyadda u soo hooyay Samaroon, Ciise iyo Harti ayay ahaayeen oo curadashadii qaranka Soomaaliyeed na ka ahaa guddoonka iyo garhayaha. Waa beelahan isku xizbiga ahaa kuwa taajkaas lagu muunadeeyay ee taariikhda baalka dahabka ah kaga galay.

      Iidoorku khasab bay ku noqotay in ay Soomaalida dhinacooda ka raacaan ee daacad kama ahayn oo in ay gumeysiga la jireen laba cali is ma wayddiiso. Haddii ay daacad idin ka ahayd isla 60kii ba gunuunac iyo galgalasho kama aydaan keenteen qarankii curtay oo inqilaab isku ma aydaan luggoyseen. Geyigan minority baad ka tihiin oo waa sababta aydun teer iyo waagaas u la rafaneysaan gadoodkiinan xaqdarada, caqli xumada iyo garaad li’ida ku salaysan boowe.

      Bisin baa baylah la raacshay baan maqli jiray.

      • Harti waxaa u weyn Majeerteen.
        Majeerteena raali kama aheen Soomaali. Majeerteen waxaa Xamar la keenay ayagoo maxaabiis ah.
        Haddan waad aragtaa sida eey Majeerteenka u dhaqmayaan. Marna waxeey leeyahiin waxaan nahay Hooyadii Federaalka, marna waxeey u dhaqmayaan sida Soomaaliland,
        Maad wax ka tiraahdi markii Muuse Biixi iyo Dani isku arkeen UAE.
        Soo ma argtid Deni in uu wali Muqdisho tagin ilaa iyo hadda. Intaasna waxad arkeysaa asgoo Nayroobi, Dubay, China iwn….. wareegaayo.
        Munaafaqnimada ha la joojiyo.

        • Beentu waa xaaraan oo dacaayadda aan taariikhda loo soo xiganin iyana waa cawaannimo. Majeerteen iyo Warsangali qarniyo hore bay min Cadaado ilaa Xamar ilaa Kismaanyo ilbaxnimada iyo diinta ba qummaati ugu daluugeen oo magaalooyinkaas xeebeed wax badanka dhisay. Hantidii Xamar wadhnayd 90% iyaga ayaa lahaa. Waxaa u waheliyay Carab iyo Soomaalida Barwaaniga ah oo Majeerteenka ay Soomaalida kale aad iskaga soo sokeeyaan oo taariikh dheer na wadaagaan.

          Ninyahoow Majeerteeniya waxay gumeysigii hortii ka tirsanayd ximaayadihii Islaamiga iyo waliba Saldanaddii East Africa u sarreysay ee Cummaaniga ahayd. Ilaa maantadan aynu joogno ayay Hartigu Saldanadda Cummaan dhiig iyo dhuux ku leeyihiin oo ay badhkeeda leeyihiin. Taariikh aydun ka jaahilsan tihiin iyo dad aydaan waxba ka aqoon baad been iyo barabagaan qayaxan ka fidineysaan idiinka oo waliba raaciyad u ahaan jiray.

  6. To; Xaaji Saalax
    Kalmada Qaldaamiin waxeey ka timid dhaqanka reer Waqooyiga waxaana idiin bixiyay dadka reer koonfur mana ehayn kalmad siyaasadeed ee waxey ku timid waan kuu sheegi doonaa.
    Madaxweyne Aadan markii aad u timaadeen waxuu ahaa siyaasiga kaliya oo idin yiri maad ka soo fikirtiin ilaa iyo lix bilood ka dib nagu soo noqday noogana sheega sida aad wax u kala qeybsateen. Sidaas ayeey taariikhda sheegeysa.
    Kalmada Qaldaamiintana ma aha kalmad ku socoto hal qabiil ee waxeey ku socotay reer Soomaaliland oo idil ka soo bilaaw Samaroon, Isaaq, Dhulbahante, Warsangeli.
    Kalmada Qaldaaminta waxeey baxday markii dhaqan ahaan ka duwanadeen reer Koonfur waxaana ka mid ahaa sida la sheegay wax yaalo badan:
    1) Reer Soomaaliland waxaa Qaldaan loogu baxshay waxey noo yimaadeen ayagoo Ilaahay, Diinta, Nabiga caynaayo. Oo markeey xanaaqaan dhihi jiray war adiga iyo Ilaahaada waan. …….Istaaqfirullaah.
    Ree Koonfur in eey yaabeen bey dhihi jireen war dadkaan miyeenan Muslim aheyn. Markaas ayaa loogu jawaabi jiray waa Muslim laakiin weey Qaldan yahiin iska dhaafa Qaldaamiin.
    2) Reer Somaaliland iyo reer Koofur markii waqtiga la sheegaayo weey kala duwan yahiin. Markuu waaga baryo koonfur waxaa loo yaqaan hal saac Subaxnimo. Reer Waqooyi waxeey yiraahdaan todobada aroornimo. War waagi hadduu baryee oo hal saac goormuu noqday todobo. Marka waqtigana weey ku kala duwanaayeen markaas ayaa loo bixiyay kuwi waqtigi qaldana watay oo Qaldaamiinta ahaa. KKKKKKKK
    3) Reer Soomaaliland cambuulada waxeey yiraahdaan uf, laakiin qaadka oo daroogada ah wey cunaan haddana ku faanaan. Reer koonfur waxeey yiraahdeen war kuwaan waaa Qaldaamin rasmi ah.
    4) Reer Soomaalidaln iyo Koonfur waxeey ku kala duwan yahiin tirada xisaabta ku dhawaaqideeda sida :
    Toban iyo kow, toban iyo labo, ………reer koonfur
    Kow iyo Toban, labo iyo toban, …….. reer waqooyi
    Meeshaas waxaa ku guuleystay reer Koonfur sababtoo ah markii la qoraayo waxaa loo qoraa sidaan 11, 12, 13 oo toban ayaa horeeyo.
    Marka Qaldaamiinta waa iska Qaldaamiin KKKKKKK
    Reer Soomaaliland markeey koonfur yimaadeen waxeey ahayd in jaanta meesha ka socoto la jaan qaadaan laakiin waxeey ahaayeen dad waxooda la saxsan oo ku dhiiran oo ma aheyn dad diyaar ah wada dhex gal iyo dabacsanaan sidaas ayaa markii la arkay la qabadsiiyay kalmada Qaldaamiin.
    Waxeey ahayd in ey sidaan u dhaqmaan “When you are in Rome do what the Romans do” maya ma eenan sameen marka ayagaa la qabadsiiyay kalmada Qaldaan iyo Qaldaamiinta
    Erayga Qaldaanimada waa dhaqan lagu kala duwan yahay ee ma aha Siyaasad.

    • @Samaale,

      Waxyaabo run ah aan se shuqul isku lahayn baad isku dhex qastay. Waxaad isku qastay arrimo DHAQAN ku saabsan Isaaqa ku kooban ee aanay beelaha kale ee Woqooyigu la wadaagin haba yaraato ee, sida caayda diinta iyo waxii muqaddas ah oo dhan ee ay waalidiintu ku jiraan. Dhaqankaasu iidoorka uu ku kooban yahay sida webkan Marqaan ba looga bartay. Inteena kale nadiif baynu ka nahay oo siif iyo sinji toona u ma lihiin.

      ‘Qaldaan’ ma aha sida aad u fasiratay ee sida qaalbka ah waxaa loogu magac daray LAHJADDA iyo ODHAAHDA aynu qoladiinan Koonfureed kaga duwannahay. Afsoomaali qaldan bay ku hadlaan baa laga waday. Ta waqtiga ku saabsan waxay ahayd uun labadii nidaam ee Ingiriiska iyo Talyaaniga oo lagu kala dhaqmayay. Run baad sheegtay laakiin been badan baad ku xawaasheysatay.

      • Waqtiga Talyaaniga iyo Ingriiska iyo Reer Waqooyiga waa isku mid Muqdisho iyo Addis Abeeba ayaa la yiri sidaas u isticmaalo.
        Talyaaniga waxuu yiraah waaga markuu baryo ” Alle 7 di Mattina” Ingishkana sidaas oo kale “7 o’clock”

  7. Sample
    Kalmada kaliya een kugu raacsahay waa markuu ader cade nagula taliyay bal inaan dawlada woxogay
    Soo haysano.
    Alle ha u naxariste wuxu ogaa inay Ms kolay qasayan somaliya marka qalbiguu ka donayay inaanan kudhex milmin.
    Lkn anagana somali jacayl baa na hayay oo shantoo israacdanu donayay

    Shantoo israacda wanagsanaydee

  8. Ina cawad
    Dawladi aden cade ms bay kadagi wayday
    Dawladi cigaal inkastuu hadhuudhlaha ku daray ileen nin ka khibrad badan buu ahaaye ayaa markay nafta haben
    Waxay ku tashaden inay dilaan ninki uu madaxweynaha ka dhigtay ee cabdirashiid cali shatmarke
    Dawladi maxamed siyad markiba inqilaab iyo jabhad bay ku bilabay
    Burburki somaliya ilaa maanta waxa qasaya ee dawladii dhisantaba dumiya waa yaga
    Yagoo isku diraya hawiyaha si aanay xamar u fagin
    Ale ha unaxaristee cabdilahi yuusuf wuxuu ahaa madaxweynihi ugu horeyay ee am amxaaro soo kaxeysta si uu ugu xasuuqo umad somaliyed.

    Ina cawadow hadad qof cadiya tahey waad fahmi
    Hadad walan tahayna halkagi kamiis cayda iidorka.kkkkkkkkkkkkk

    • Ma hadda ayaad la soo shir timid Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Maxamad Siyada Barre ayaa ahaa “Maxamuud Saleebaan”?

      Fariid! Aqoonyahan gaamuray baad tahay ee bartaa ka sii miiso maandhe.

  9. Samaale

    Qaldaan dhaqan kamay Iman ee lahjada ayay ka timid. Ta kale een ku odhanayaana marka eego Soomaali. Jabuuti, DDSI iyo Somalilandna waa isku lahjad. Siiba Reero ‘Dh’ ayaa lana yidhaa. Reero ‘R’ waa Reer Koonfureedku iyo NFD. Hadii la is barbar dhigo lahjada dee anagaa idinka badan. Sababtaas ayaanu Reer Koonfureedkiina u saxa isku Nidhi.

    Tusaale. Kelmada ‘Gadh’ idinku waxaad tidhaah daan ‘Gar’. Ma Hartii la qaadi jireybaa, ma Garkii xadhigaa mise waa gadhkii caadiga ahaa ee wajigeena ku yaaley.

    Kelmada ‘Badh’ eed idinku tidhaahdaan ‘Bar’. Ma barta jidhka taalaa, ma bar tii dhibicda aheydbaa, ma bartii goobta aheysoo kalaa mise badhkii wax kala badhayay?

    kelmada Xaadh idinku tiinu waxey noqoneysaa ‘Xaar’. Kkkkkk

    Kolkaas ma anagii afka saxan wadaney ayaad rabtaan inaanu tiina guracan idinku raacno? Kkkkk

    Qaldaamiinta Rasmiga igi waa idinka sxb. Anaga waad naga gaadhsiiseen uun.

  10. Samaale

    Puntland Asalkeedii ayaa Fitno iyo Munaafaqnimo lagu sameeyay. Taasaana sabab u ah sidey Siyaasada Soomaaliya unqasantahay, ta Somalilandna u guuxguuxdo.

    Waxey Dastuurkooda ku qoreen in ay sida Somaliland oo kale Soomaaliya ka bixi karaan hadii Soomaaliya ku dhaqmi weydo hab Federaal ku saleysan, taasoo ula jeedeen Hab Qabiil ku saleysan. Taasaana u sabab ah iney intey Mudug ka degen yihiin ugu mitidaan. Somalilandna ay Sool iyo Sanaag muranka uga keenaan.

    Iyo ta labaad oo ah hadey Soomaaliya degi weydo oo ay qaska kusii jirto in badan. Waana sababta ay Madaxweyne walba oo yimaada meeshaba madaxa uga goostaan ama kaga buuqaan ilaa uu wakhtigu ka dhamaanayo.

    Hadaaney Somaliland uga dhaaran Sool iyo Sanaag. Farmaajo iyo Xasan Sheekhna ka diideen habkooda Qabiileysan ee Jaangowracay ama wey go’i lahaayeen ama Dawlad ay iyagu ka kaabeeyaan ayay meeshaba ka dhigan lahaayeen.

    Hadaba kelidood go’i Kari maayaan oo Labo Gobol iyo Badh cidi ka aqbali meyso ee bal idinkuuni xaqiiqada dhabta ah Reerkan kusoo celiya oo u rabeeya sidey ula Jaan qaadi lahaayeen siyaasada cusub ee Soomaaliya.

  11. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Ina cawad marmar dhoocil yar baan kumooda.
    Zxb waxan ku idhi cabdirashiid cali sharmarke yaga dilay.

    Maxamed siyad barena dawladisiina markiiba waxay ku bilaben inqilaab iyo jabhadeym
    Mida kale cabdirashiid maxamud saleban buu ahaa waxayna ku dileen ina cigaal baad naga raacday.kkkkkkkkkkkkkk
    Waar nimankan waxodu waa ama aanu xukunka qabano ama xamar daadku haqaado.kkkkkkk

  12. Caqliga xumada iyo aqoon darada iidoor waa kaas dee. Iyagu taariikhdu 1960kii bay uga soo bilaabantaa oo waxay ugu dhamaataa 1991kii. Waa ba intaas uun.

    Waxay jiilkan SNM aad uga jaahilsan yihiin in ay Puntland gumeysigii hortii qarniyo dhan soo jirtay oo ilaa iyo ximaayadihii Islaamiga ee ‘Cadal’ iyo Axmed Gureey saldhigyo u ahayd. Waxay ka arradan yihiin aqoonta ah in ay saddex saldanadood Puntland ka jiri jireen ee ahaa Garaad Shirshoore, Majeerteeniya iyo Maakhir oo waliba waa ay saddexdaasu mid wada ahaayeen. Waxaa seeggan in ay Puntland Saldanaddii Cummaan qayb ka ahayd. Dad xadaarad dheer oo ka fac weyn huwan bay 60 sanadood ku soo koobeen.

    Sool iyo Sanaag iyo “Somaliland” bay intaas ku hadaaqayaan. “Somaliland” maxay tahay oo xaggee bay ka jirtay? “Somaliland” macnaheedu waa “dhulka Soomaaliyeed” – bal xaggee lagu jaheyn? British Somaliland Protectorate Maakhir baa lahayd oo iidoorku raaciyad bay ka ahaayeen. Markii dambe na gumeystihii iyo heeryadiisii ba qashinka baa lagu daray oo iidoor baa ka soo fagfagtay oo ku dhaashanaya oo dadkii lahaa ee iska xooray ugu sii faanaya.

    Yaab! Waa dhallaankii Waalidkii Dhalmada Baray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.