Xusuus iyo Taariikh kale oo ugaar ah ayuu maanta oo kale sameeyay MD Aadan Cadde AUN.

Maanta oo kale sanadkii 1967-dii Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa noqday Hoggaamiyihii u horeeyay Afrika ee xukunka si nabad ku wareejiya, kaddib markii looga adkaaday doorasho xor ah.

Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan Cadde 8 June 2007 waa xilligii uu geeriyooday, waxayna bishan June tahay bil ka mid ah bilaha maamuus iyo xusuus u leh Umadda Soomaaliyeed, haddii ay tahay 26 June, xilligii uu talada ka degay iyo xilligii geeridiisa.

Aadan Cadde wuxuu ahaa hoggaamiyihii u horeeyay, uguna dambeeyay ee dalkiisa ku noolaa, tan iyo markii uu xukunka ka degay, taasoo calaamad u ah in aanu dadkiisa iyo dalkiisa godob ka gelin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.