XOG:- Deni iyo Farmaajo oo sii kala fogaaday kadib markii uu burburay wada hadalo lagu heshiisiinayay.

Ilo’ ka agdhow xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Den, ayaa  xaqiijinaya in uu fashilmay dadaal lagu doonayay in la isu’gu soo dhoweeyo xukuumadda Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay Puntland xiriirkii wada-shaqeynta u jartay Villa Somalia.

Wasiiro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Puntland, ayaa sida wararku sheegayaan ku fashilmay dadaal badan oo ay ku bixiyeen, sidii madaxweynaha Puntland loogu qancin-lahaa in uu dib u soo celiyo, xiriirkii wada-shaqeynta ee kala dhexeeyay xukuumadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo xubno kale oo ka soo jeeda Puntland ayaa ku guul-darraystay dadaaka ay ku doonayeen, in madaxweyne Deni uu ka laabto go’aankii uu xiriirka ugu jaray Villa Somalia.

Balse, madaxweynaha ayaa sida ilo’ xog-ogaala xaqiijinayan gebi ahaanba diiday in uu ka laabto go’aankaasi, ilaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku dhaqanto Dastuurka, lagana heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac.

Dhinaca kale, Deni oo haatan safar ugu maqan dalka dibaddiisa, ayaa sida qorshaysan todobaadkan magaalada Nairobi kula kulmi doona madaxweynayaasha Galmudug, Jubaland, Hirshabeelle iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Kulankaasi ayaa la filayaa in madaxda dowlad goboleedyadu ay si wadajir ah cabasho ka dhana xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu gudbiyaan xubnaha Beesha Caalamka ee Nairobi jooga.

3 Comments

  1. MAANANKA ISKU BAADI MAQAN (Qaybta Koowaad)

    Sidooda ba dad mise ummad kasta sooyaal u muqaddas ah baa u noqda rugta ay noloshoodu ku dul qotonto ee siyaasadda iyo masiirka u cayima oo ku na haga. Sooyaalku waxuu ka kooban yahay falfasad iyo hiddo iyaga u gaar ah oo ay soo hoos galaan arrimo badan oo aasaasi ahi ee aanan ku sii dheeranaynin.

    Dhibta ugu weyn ee teer iyo burburkii qaranka Soomaalida dhammaanteeda ku habsatay ayaa ah in Soomaalinimadu qudheedu dhaawacantay oo aanay wali dhayoobin. Taasaa ah sababta aasaasiga ah ee uu faquuqii ka la dhambalay Soomaalida ugu sii daba dheeraaday oo ay qarannimadu la soo kaban kari la’dahay. Waxay taasu iyana dhalisay in dagal iyo deegaan dib loogu ka la gurto oo in waliba ay danaheeda daruuriga ah marka hore dabato.

    Haddii ay Soomaalinimadu ahaan lahayd mid bogsatay oo heegan ugu jirta qarannimo dib u curanaysa ee loo heellan yahay cakirnaantan na wada ragaadisay lagu ma sugnaadeen. Waxaa se jirta xaqiiqadoo ay Soomaalidu badankeedu aad uga qaafilsantahay oo ah in xididkii Soomaalinimo uu dhinac ka qalalay oo soo kabashadeedu ay muddo aad u sii dheer qaadan doonto, ama se ay qummaati ba u curyaantay. Waa xaalad aan ku tilmaami karo maananka isku baadi maqan.

  2. MAANANKA ISKU BAADI MAQAN (Qaybta Labaad)

    Maananka isku baadi maqani waa kuwa Soomaalida uu xididku dhankooda wali ka qoyan yahay ee Soomaalinimada ka rajo qaba, iyo kuwa uu xididku dhankooda ka qalalay oo uu dareenkaasu mar hore ka kabuubyooday ama se ka ba dhintay. Labadan qaybood baa isku baadi maqan oo aan wali qummaati iskaga war haynin.

    Waxaa kuwa uu xididku qoyan yahay lagu garan karaa astaanta ugu weyn ee ay ka siman yihiin oo ah qarannimadii oo ay ku han weyn yihiin oo u na halgamayaan. Waxay aad uga jaahilsan yihiin sida uu xididkaasu dhinaca kale uga dhinsan yahay oo ay sidaasi aawadeeda dib u yagleelayaan Labadaryaale ay dhigaha iyo udubbadu badhkooda idleysan yihiin. Tacab kasta oo kaga baxa halkoodii uun bay xakaarayaan waayo waa dhisme dhan ka curyaaman. Kuwa kale se dan ba ka ma leh oo dhankooda way ka dhankooshay.

    Taasaa dhalisay fajaca iyo amankaagga Soomaalida uu wali xididku ka qoyan yahay kaga soo habsaday Soomaalida soddonkaa sanaadood halganka culus ugu jiray in aanay qarannimadu dib dambe isu taagin maadaama uu dareenkaasu ka suuxay ama se ka dhintay. Kuwani maankoodu waa mid dhinac kale isu jaheeyay oo falsafadda Soomaalinimo ka baxay.

    In ay toodaas kale ee ay haybsadeen oo u na heellan yihiin duuliyaan oo difaacdaan waa wax iyaga la saxsan oo muqaddas ah, si kasta oo lagu la yaabo. Waxaa se jirta in aanay duruufaha deegaameed iyo bulsheed ba u saamaxaynin in ay toodaasu toos ugu hirgasho in ay Soomaalida kale xadgudubyo waaweyn ka geystaan mooyaanee. Way ka go’antahay oo sidii maanankan isku baadi maqan la isu waafajin lahaa, dhiig iyo xinjirro oo lagu kala baxo moojaanee, baa jawaabteeda la isga fadhiyaa.

  3. Maamada fadraalku, waxay u rabtaa in la soo caro celiyo, la sal salaaxo baaayo soo fadhiisu lagu yidhaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published.