Shirwayne Muhiim u ah beesha Warsangeli oo ka furmaya Badhan + Masuuliyiin muhiim oo ka qayb galaya.

Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaa ka socda kulamo kala duwan oo looga diyaar garoobayo, shir weyne looga arrinsanayo fara-gelinta iyo dhul-ballaadhsiga uu maamulka Somaliland ku hayo gobolka Sanaag.

Xubno ka tirsan golayaasha Baarlamanka iyo xukuumadda Puntland, siyaasiyiin, aqoonyahanno, saraakiil ciidan, cuqaal, nabaddoono, salaadiin, ganacsato iyo culimaa’uddiin isaga yimid degaannada kala geddisan ee gobolka Sanaag, ayaa kulamo kala duwan ku yeelanaya magaalada Badhan, iyagoo u sii diyaar garoobaya shir weynaha degmadaasi ka dhici doona maalmaha soo socda.

Wasiirada Badhan ku sugan waxaa kamid ah: Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan, wasiiru-dowlaha Degaanka, Cabdirashiid Geelle, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha,Maxamed Musaddiq, wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Cabdisalaan Siciid Faarax iyo wasiir ku xigeenka Duulista hawada iyo garoomada marwo Sucaad Saalax Nuur.

Sidoo kale waxa magaalada ku sugan guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo, Xil. Cali Axmed Dhahar, Xil.Cabdiraxmaan Dhoorre, Xil. Axmed Cabdi Jaamac, saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee Puntland, ganacsato, xubnaha Qurba-joogta degaanka, siyaasiyiin hore, aqoonyahanno iyo hoggaanka dhaqanka oo isaga yimid magaalooyinka Damalla-xagarre, Xiingalool, Ceelbuh, Midigale, Balibusle, Buraan iyo Hadaaftimo.

Waxa kale oo la filaa in maalmaha soo socda ay degmada Badhan yimaadaan waxgarad, ganacsato iyo salaadiinta dhaqanka oo ka kala imaanaya magaalooyinka Ceerigaabo, Yubbe, Laasqoray, Dhahar iyo degaaanno kale.

Shirweynaha ka furmayaa magaalada Badhan, ayaan weli si rasmiya loo shaacin wakhtiga la qabanayo, balse haatan inta badan wufuuddii shirka ka qeyb-gelaysay ayaa ku wada-sugan gudaha Badhan, marka laga wufuud laga sugayo degmooyinka Ceerigaabo, Yubbe, Laasqoray, Dhahar iyo degaaanno kale.

1 Comment

  1. The Maakhir Storm I recently foretold is about to make landfall and it will be felt, hard. In previous posts, I highlighted a special bond that had been severed by recent aggressions which completely flew right in the face of long-established traditional values in our region and shook us awake. These traditions were sacrosanct as far as we, the Warsans, were concerned. They were traditions protected by longstanding conventions that should never be violated. But they have, unfortunately, and there was always naturally bound to be serious consequences.

    The Great Maakhir Sultanate is famed for its civility and progressiveness. We never offend or violate others. We live by our strict code of royal standards. We consider ourselves the axis of Somalism and the vanguards of its history and heritage. We stand for Somali unity and brotherhood which means everything to us. In the same token, we just do not entertain any nonsense from anyone nor do we tolerate injustice or naked aggression. Our royal status is in its very nature a shield against any offensive behavior.

    The time to be taken for granted is up. The lion mistaken for the cat has now arisen and his presence will be well and truly felt. Above all else, the Sultanate of Maakhir will once again adorn itself with its jewelled royal crown. We mean well and wish no one any harm, but we will make our mark and ensure no one ever transgresses against us, ever. The game is up.

Leave a Reply

Your email address will not be published.