Magaalo kutaal Somalia oo muddo 24saac ah ay ka maqan tahay korontadii.

Degmada Balcad oo ka tirsan Gobalka Shabeelada Dhexe ayaa koronta la,aan ah muddo 24 saac ka badan.

Koronta la,aanta ka jirta Magaalada Balcad Ayaa timid ka dib markii maamulka Degmadaasi uu Amar ku bixiyay in la demiyo matoorta korontada laga dhaliyo ee magaalada Balcad.

Mid kamid ah shirkadaha bixiya adeeega korontada ayaa Xaqiijiyay in Korontada laga jaray Guriga Gudoomiyaha Degmada Balcad asna uu amar ku bixiyay in Gabi ahaanba albaabada leyskugu laabo matoorada korontada ee degmada ku yaala.

Shacabka ku dhaqan Degmada Balcad ayaa Cabasha xoogan ka muujiyay koronta la,aanta magaalada, waxayna sheegeen in Korontadu ay ka mid tahay waxyaabaha aan looga maarmin Nolosha maalin laha ah ee Aadanaha.

Maamulka Degmada ayaa sheegay in Sababta korontada loo jaray ay tahay Is fahamwaa maalmahaan ka taagnaa shirkada bixisa Korantada iyo Maamulka Degmada.

Si kastaba ha noqotee ma muuqato dadaal loogu jiro in dadka reer Balcad ay dib u helaan Adeegoodii Korontada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.