DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo Guddi u saaray baaritaanka cidii ka dambeysay dilkii Taliyihii Qeybta Booliska G/Hiiraan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddi u saaray sababtii keentay dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Mgalada Baladweyne,kaas oo ay ku dhinteen dad uu ka mid ahaa Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan.

Guddigaan ayaa waxa Gudoomiye loogu Magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobe),waxaana qeyb ka ah Xeer ilaalinta maxkamadda Ciidamada, iyada oo guddigaas ay baaris ku sameyn doonaan waxaa sababay dagaalkaas.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Guddigaas oo Warbaahinta kula hadlayay Magalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga uu madaxda u yahay iyo Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada ay  si dhab ah baaritaano ugu sameyn doonaan si loo xaqiijiyo waxyaabihii keenay dagaalka uu ku dhintay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Guddigaan ayaa waxaa lkoo xil saaray inay baaris ku soo sameeyaan is rasaaseyn dhawaan intii lagu guda jiray Bishii Ramadaan degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

2 Comments

  1. Waxaa Eebbe mahaddii ah in sida dhammaan baraha bulshada iyo warbaahiyeyaasha laga dareemayo ay beelweynta Hawiye, gaar ahaan reer Banadir iyo Mudduloodku, qummaati ugu qaboojiyeen dhagartii halista ahayd ee ay Habar Gidirtu dalka u maleegeysay. Waxaan hambalyo iyo boogaadin u khaas ah hawada u marinaya beesha Abgaal iyo tolkooda kale ee qarannimada ka doortay qabyaaladda ay Habar Gidirtu magaca Hawiye ku hurinayaso oo mawqif adag na iska taagay.

    Hawiyaha waxaa magaca ka afduubtay Habar Gidirta sida Isaaqa magacoodu ay uga afduubteen reero ay bahashu si xun u sumeysay oo labadani waxay wali cabsan yihiin qaddiyadihii Cigaal iyo Caydiid ee ay shayaaddiintu ugu waxyoodeen in ay qarannimada dalkeena Soomaaliya ku curyaamiyaan oo sha’niga Soomaaliyeed na shimbirka kaga dilaan. Waxaa na sida hadda ba caddaatay ay ku hoos wateen dhagar dhul iyo hanti boob ah ee lala fahmay. Dawladda Federaalku haddii ay sameysan lahayd idaacad tayo sarreysa waxay ku guuleysan lahayd in ay kuwa naanka laga qalday xaqa iyo runta garawsiiso oo nacabkan sokeeye kaga soo dhacsato.

  2. Wax gudi loo saaray xal lagama gaadho… Xaar maajo, waxa uu qirtay in aanu talo gacan ku hayn marti u yahay Hawiye . USC.

Leave a Reply

Your email address will not be published.