Degdeg:- Sucuudiga oo biri Ciidiya iyo Dalal badan oo ku dhawaaqay in biri la soomayo “Akhriso magacyada”.

Wadamada Indunisia, Malaysia, Jaban, Mali, Safaarada Emirateka ay ku leeyihiin Thailand & Wadamo kale oo uu Muslimku ku badan yahay ayaa ku wada dhawaaqay in ay Bari tahay Maalinta 30aad ee Bisha barakaysam ee Ramadaan, lana soomayo.

Halka goordhowayd oo caawa ah ay Boqortooyada Sucuudiga ku dhowaaqday in ay Bari tahay Maalin Ciid ah, ama 1da Bisha Shawaal, iyadoona maxkamadda sare ee Aucuudigu sheegtay in Duhurnimadii Maanta bisha laga arkay Magaalada Tumayr ee Dalka Sucuudiga.

Dalka Soomaaliya dadka kunool, iyagu qolaba Wadan ayay ku xiran tahay oo ay la ciidaa lana soontaa, waliba mararka qaar bulshadeena Seddex Maalmood ayay kala ciidaan.

Waxaa jira dad kunool Gaalkaacyo oo shalay Ciiday galka qaar kalena biri ciidi doonaan iyadoona sidoo kale qolada sedexaad ay ciidi doonaan maalinta xigta.

Fiiro Gaar:- Marqaannews wali ma aysan ogaan meel kamid ah dalka Somalia oo laga arkay bisha ama qof somaliyeed oo xaqiijin kara inuu arkay bisha, waxaanse Akhristayaasheena ku wargelinaynaa inay nala soo xiriiri karaan hadii ay arkaan bisha ama ay ka war helaan cid aragtay.

2 Comments

  1. Waxaan halkan Ciid Mubaarik kasii leeyahay dhamaan Umada Soomaaliyeed oo dhan. Kul’am wa antum bi-kheyr.

    Xerta aanu Marqaan weyne isku dhex xagxagano oo dhan iyagoo jamaca oonan kala qaad qaadey ayaan leeyahay ciid mubaarik.

    Waxaan halkan si kal iyo laab ah uga salaamayaa dhanka Marwooyinka;

    Eedaday Barwaaqo
    Walaashey Warsan – hadey I maqleyso.
    Gabadh Harti

    Dhanka Ragana;

    sOmalilander
    Xaaji Saalax
    Samaale
    Mubaarik Yusuf
    Dab La Ridey
    Atoore
    Mingistume
    Cismaan Cawad

    Iyo inta kale een ka tegay.

    Dhamaantii waxaan idiin rajeynayaa bashbash iyo Barwaaqo. Ciidan ciideeda ku gaadha caafimaad iyo camal Suuban.

Leave a Reply

Your email address will not be published.