Degdeg Sawiro:- Yuusuf Dabageed oo xafiiskiisa iyo Hooygiisa ka fujiyay Sawiradii MD Waare kuna badalay sawiro kale.

Xafiiska Guddomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Hoyga uu degan yahay Guddomiye Yusuf Axmed Hagar ayaa laga Masaxay Sawirada Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Boorarka muujinayay Astaanta Hirshabelle ee horay ugu taagnaa Hoyga guddomiye Dabageed.

Waxaa ka taagan oo kaliya Sawirka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeeysa xili Madaxweynaha Hirshabelle xilka uu ka qaaday Guddomihihii gobalka hiiraan Yusuf Axmed Hagar,isna uu xilka qaadistaasi sharci darro ku tilmaamay xeriirkane uu u jaray Hirshabelle.

Howlihii shaqo ee Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa weli hakad ugu jira xiisada ka taagan Magaalada Beledweyne ee ka dhalatay xilka qaadistii uu sameeyay Md Waare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.