Degdeg:- MD Trump oo markii ugu horreysay Farxad la wadaagay Shacabwaynaha Muslimiinta ee kunool dunida dacaladeeda.

Xarunta looga arimiyo talada guud ee Dalka Mareekanka ee loo yaqaan  Aqalka Cad ama (White House) ayaa caawa laga soo saaray warsaxaafadeed Hambalyo ah oo uu soo saaray Madaxwaynaha Mayilka adag ee Dalkaasi Donald J. Trump

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Bilashada Bisha Shawwaal aawgeed uu Madaxwaynaha hambalyo farxadeed la wadaagayo shacab waynaha dunida Muslimka isagoona urajeeyay baraare iyo Barwaaqo.

Madaxwayne Trump oo ku caanbaxay Islaam Nacaybka ayaa lagu xuauustaa hadaladiisi adkaa ee lidka ku ahaa muslimiinta xilligii uu socday ololaha doorashada iyo doorashadiisa kadibba.

Waana markii ugu horreysay oo uu Trump soo saaro Warsaxaafadeed nuucaan ah oo uu shucuubta islaamka farxadooda kula wadaagayo.

3 Comments

  1. Hambalyo sidookale mr kharab
    hambalyo mirqaan news
    hambalyo gabar harti
    hamvalyo dab laridey
    xaaji saalax
    mr somalilandr
    aarka sanaag
    uhurre kinyata
    ugu dambeyn muuse handaraab
    dhamaan ciid saciid

  2. miyuu adimayaa?

    kuwa u haysta nin fiyoow ayaa kasii daran oo hadalkiisa saacad saacad isu bedela wax kasoo qaadaya

Leave a Reply

Your email address will not be published.