Degdeg:- Coll caare oo ujawaabay gudoomiyaha Sanaag “Waa balan inaan gurigiisa ugu galo”.

Generaal Saciid Cawil Jaamac Caare wuxuu wacad ku maray in uu gudoomiyaha Gobolka Sanaag uu gurigiisa ugu gali doono marka dhulku qalalo, sidoo kalena wuxuu beeniyay war kasoo baxay isla gudoomiyaha Gobolka Sanaag oo ahaa in uu dalka ka dhoofayo, Caare wuxuu sheegay in uusan meelna dhulkiisa ugu socon.

Caare sidoo kale wuxuu ka codsaday golaha guurtida iyo baarlaamanka ee Somaliland in ay xil ka qaadis ku sameeyaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiir Kaahin oo uu ku tilmaamey gacan ku dhiiglayaal, sidoo kale hay’adaha cadaalada ee dunida ayuu ugu baaqay in ay ku maxkamadeeyaan danbiyada ay galeen.

Generaal Caare ayaan waydiiyay waxa uu xal u arko ” Waxaan xal u arkaa in Biixi iyo Kaahin xilka laga qaado” sidoo kale waxaan waydiiy in hadii Madaxweyne Biixi iyo Kaahin ay ka codsadaan in miiska korkiisa ay kuwada hadlaan waxa uu ka qabo ” waxaan la hadlayaa marka 8dii qodob ee gacan libaax ay suurta geliyaan ”

3 Comments

  1. Mandiqaddeena iyo ummaddeena Soomaaliyeed nimcooyin aan la qiyaasi karin oo dunida ugu qaalisan ayuu Eebbaheen ku galladay, waxaan se isku soo koobayaa labdada oogu doorka roon ee xusidda mudan.

    1. Waxaynu nahay ummad mid ah marka ay sinji iyo sowrac iyo hiddo iyo dhaqan ba noqoto in kasta oo farqiyo yar yari iska jiraan oo caadi ah. Waxynu nahay ummad aanay cid kale ku tarrixin mandiqadda qaaradda Afrika ugu qaalisan ee ugu na straatijisan. Wax la qiimeyn karo ma aha.

    2. Waxaynu leenahay mandiqaddaa dhan ee Afrikada Bariiyo Geeska Afrika kulmisay oo ay nala wadaagaan oo kali ah walaalaheena Canfarta ah. Qolo kale ee nagu tarraxdaa ma jirto. Waa mandiqad bad iyo birri ba ku fadhida dhul aad u baaxad weyn iyo xeebta dunida ugu dheer ee ugu na qaalisan oo laba marinood ay ku kulmeen.

    Mandiqaddeenan waasaca ah nimcooyinka lagu baahay birri iyo baxar ba ma aha wax la qiyaaso karo oo waa na sababaha ay nacabyada shisheeye oo dhammi mandiqaddayada ugu soo wada qamaamayaan. Nafar iyo qoys kasta oo Soomaaliyeed ee dhammaan geyiyada mandiqaddeenan ku nool ayaa inta xaafado iyo aqallo casri ah loogu dhiso loogu sii dari lahaa adeegyada daryeelka oo bilaash ah iyo waliba lacag joogto ah bil kasta.

    Bal maangaabnida fallaagadaha burburinta sha’niga iyo shimbirka Soomaaliyeed u taagan ee SNM iyo USC ummaddaas dhan iyo mandiqaddeedaa lama helaanka ah bay isu diiddan yihiin oo ay ka door bideen qaddiyad cunsuriyad lagu suntay ee qabiil magaciisa loogu dhimanayo oo laga dheefayo uun dibjirnimo, ragaad, rafaad iyo colaadyo iyo abaaro dabadheerada. Ummad dhan oo mandiqadda baaxaddaas dhan ku fadhida ayuu damacooda waalani ka tusay in ay geyiyo u sii kala jarjaraan oo ay cadawgu dhakada kaga wada istaagaan oo nimcooyinka ka faramaroojistaan iyaga oo aan reer hebel oogu kala aaba yeelin.

  2. Caaroow Hawshii aanu kuu dirnay wali kamaad soo bixine maxaanu maxkamad saarnaa Kaahin & Biixi…markaad hawshii qabato aanu kuu dirnay uun baanu iyagana maxmakada latiigsanaynaa.

    Biixii & Kaahin baad ka cabanaysaa soow mahaa…hawshii lagusoo igmaday dhamee!

    Shiine Culaybaaa Quustay!!

    🤣🤣🤣🤣🤣

  3. caare maanta wuxuu labistay astaantii x.d.s maka tanaasulay fikirkii soomaali diidka ahaa ee ay qabaan sooamaalida w,galbeed dadka ku nool qaarkood

Leave a Reply

Your email address will not be published.