DEG DEG+DAAWO: Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Gobolka Sanaag,Xaaladda Af-urur,Khilaafka Saadaq Joon & Taliye Ameeriko & Wararkii ugu dambeeyay Axmed Karaash

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhanka awoodda ku saleysan ee u dhaxeeya Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) iyo Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ah taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir.

Sida wararka aanu ku heleyno, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku guuldareystay inuu xaliyo Khilaafka Labadan Sarkaal,balse taa badalkeeda wuxuu la saftay Saadaq Joon oo sida la aamisan yahay xafiiska ku jooga rabitaanka Xasan Cali Kheyre.

Illo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in qasab ay noqotay in arrintaan uu soo farageliyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,wuxuuna amar ku siiyay Saadaq Joon inuu u hoggaansamo amarka Taliye Ameeriko,islamarkaana u aqoonsado inuu ka sareeyo.

Wararka ayaa intaas ku daraya,Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo ku soo caan baxay weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay wuxuu is biday awood isagoo kalsooni iyo garab buuxa ka heysto Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Sida xog aan ku helno,Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa marar badan ka dalbaday madaxweyne Farmaajo in la badalo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ku shaqeyn waayay go’aanno dhowr ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre.

Doodda iyo muranka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Saadaq Joon ayaa mudo soo jiidameysay,waxayna cirka isku sii shareertay markii hab beeleed u diiday amar ka soo baxay Taliye Ameeriko oo ahaa inuu Ciidamada Haramacad ee uu tababaray Turkiga uu geeyo Xaafadda Jaamacadaha oo ay ka taagneyd Xiisad u dhaxeyso Ciidanka Dowladda iyo maleeshiyo hab beeleed u abaabulan.

6 Comments

  1. Isbahaysiga hoose ee teer iyo doorashadii Cabdi Weli Gaas magaca beelaha Cismaan Maxamuudka iyo Cumar Maxamuudka lagu duufsaday weeye waxa wali Puntland sidan xun u qasaya ee laga ma maarmaan ay iminka tahay in toos looga takhaluso. Isbahaysigani waa mid xaq daro iyo caddaalad xumo ku salaysan oo qaladaad siyaasadeed iyo dhaqameed ba ay ka dhasheen oo runtii ah isbahaysi beelweynta Majeerteen isku sumeynaya in kasta oo dusha laga dadayo.

    Waxii aad qarsataa way ku qudhunsadaan ee waxaa hadda daruuri ah in khilaafka beelweynta Majeerteen ee sii xoogeysanaya ee uu isbahaysigaasu ka dhex aloosay sida oogu dhakhsaha badan lagu soo afjaro. Waxaa qaladaadkaas straatijiga ah ee dhaawaca sababay ka koow ah in xulufada ay Cadde Muuse oo magaca Cismaan Maxamuud afduubtay iyo Cabdi Weli Gaas oo magaca Cumar Maxamuud afduubtay xasaanadda Boqorka Daarood ninkii xaqa u lahaa inta ay ka dhaxal wareejiyeen walaalkii oogu caleema saareen. Ku dar faragalinnada ay Gaas iyo Deni ku sameeyeen maamullada hoose ee deegaanada Bari, Nugaal iyo Mudug ba.

    Puntland geyi ahaanteeda iska daa ee waxay halis xuni haata soo waajahday tolnimada tolweynaha Puntland wada dhistay ee ku na dhaqan qudheeda oo haddii aan degdeg wax looga qabanin aanay labadu ba sii jiri doonin xaqiiqdii. Is ximintan ay xulufadan aan soo magacaabay Maxamuud Saleebaanka iyo beelweynta Majeerteen ka dhex huriyeen waa qori dab leh ee ay Labadaryaalka Puntland ku dhex tuureen. Inta aanu dabku qabsanin waa in dhakhso loo dammiyaa oo tolka miyirka qabaa ay xaajada soo dhex galaan.

    Puntland way sii suuxaysaa oo waabeydii ay Cadde Muuse iyo Cabdi Weli Gaas walaaqeen bay Majeerteenka waraabiyeen oo u sabab ah.

  2. Nidaam La’aanta Soomaaliya iyo Baahida Dowladnimo.?…
    ——————————————————–
    Clear/Memories”@Soomaaliya waxaa ay ahayd goob dagaal muddo kabadan 27 sano,waxaana ugu wacnaa garasho la’aanta Shacabka soomaaliyeed. Markaad dib u milicsato taariikhda Soomaalida qarniyo kahor, waxbo kama duwana qaabka ay maanta u wada noolyihiin Tusaale Soomaalidu waxaa ay ahaayeen dad ayaga islaaya ama qowmiyado kale laaya ayagana waxay ahaayeen dad u heelan dagaal iyo qalaalso. Tan micnaheedu ma ahan Soomaalida oo idil ayaa sidan ahayd laakiin intooda badan waxaa ay ahaayeen dad dagaal badan oo qalalaaso iyo dagaal u heelan. Waxaadna kawada dheehan karaysaa suugaanta iyo taariikhda maguurtada ah ee soomaalida.
    Su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah maxay tahay sababta soomaalidu u tahay umad u heelan qalalaaso iyo daganaan la’aan?

  3. @Suldaanka Facaweyn mingistume soo Dag,

    Suldaan, salaan gobeed iga guddoon marka hore. Bacdigeed na su’aal garaad leh ayaad madasha soo dhex dhigtay oo aan jeclaan lahaa in aragtidayda ka dhiibto.

    Soomaalidu marka xunta loo hadlo waxay ka mid tahay ummadaha qaaradda Afrika oogu dhaqanka adag ee aad mooddo in aanay Islaamnimada saafiga ah ee ay calfatay qummaati ugu dhaqmin waloow haddana ay Islaamnimadu rugta u tahay hiddaha iyo dhaqankeeda. Marka qaab aqooneed loogu sii dhabbagalo na waxaa muuqanaysa in ay Soomalidu ama deegaan ahaan ama beelo ahaan ugu sii ka la dhaqan adagtahay oo duwan tahay oo ay sii ka la xadaarad iyo ilbaxnimo badan tahay.

    Waxaa intaas ugu darsamay oo waliba uuga sii daray siyaasad qalaad oo shisheeyaha uga timid ee teer iyo gumeysigii iyo waxii ka dambeeyay si xun masiirkeedii iyo nadaamkeedii uga qasay, siyaasaddaas oo ka soo dibindaabinaysay labada jaanib ee Ruushka iyo Galbeedka sida laga wada dharegsan yahay. Anigu waxaan ka tirsanahay dadka u arka ee aaminsan in aanay siyaasadda iyo nadaamyadan shisheeye ee 60kii sanadood ee inaga soo khasaaray mandiqaddeena iyo ummaddeena lagu hirbinaayay aanay ku habboonayn maadaama ay hab nololeedka Soomaaliyeed ee soojireenka ahaa is waafaqsanayn.

    Waxaa uu anigu xalkeenu iiga dhex bidhaamayaa iyada oo aynu waxan shisheeye heeryadooda iska rogna oo nadaam ugub ah ee nagu gaar ah oo anaga naga unkamay ee Soomaalinimada salka ku haya hindisaheeda la nimaadno.

  4. To:Suldaanka/Mayalka Adag/ Gumeysidiidka Ah/Shiekh Cismaan Cawada?..
    asc@ Salaan Gobeed/?…Thinking positively Emotional?…
    ———————————————————————
    Clear”/Memories?..(Berigii hore waxa sheekooyinkan isu soo gudbin jirey reer miyiga, markay xoolahooda la joogaan. Sheekooyinkani waa kuwo la kala dhaxlay oo ay waayeelku ka sheekeeyeen, kuwaas oo ay iyaguna ka maqleen waalidkood beri hore. Soomaaliya aad bay isu beddeshay sannadahan ugu danbeeyey. Waxaana ka dhacay dagaallo iyo abaaro waaweyn. Qoysaskii waxa ay ka qaxeen guryahoodii, markii madaafiic lagu garaacay tuulooyinkii iyo magaalooyinkii. Dhallinyaradii waxa ay ku qasbanaadeen, in ay dagaalka galaan, reerihiina waa ay kala lumeen. In badan oo ka mid ah reermiyigii, xoolihii baa ka baxay, waxaanay noqdeen deegaan. Sheekooyinkani weli waa ay noolyihiin, waxaana lagu sheekaystaa, marka hawl-maalmeedku dhammaado. Ka dib waxa lagu illoobaa, dhibaatadii jirtey, waxaana muddo yar la gala mala-awaal iyo hummaagyo xasuusiya barwaaqadii iyo raaxadii xilliyadii hore.?….
    ————————————————————
    XAALKA MAANTA/SOOMAALIDU: WAA (Goormu-Dameer Soo Gaaray Faras?kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.