DEG DEG+DAAWO: Wararkii ugu dambeeyay xaalad deegaanka Af-Urur,Shabaab oo kala carar bilaabay & Ciidanka P/land oo ku dhow

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa ku warramaya in Ciidamada Puntland ay weerar ku yihiin deegaanka Af Urur ee gobolkaasi oo saacadihii la soo dhaafay ay qabsadeen dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Puntland ayaa haatan isku urursanaya degmada Carmo, waxaana la sheegay in ay dib ugu laabanayaan deegaankaasi oo ay shalay soo baneeyeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhankooda Al-Shabaab ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay doonayaan in ay kaga hortagaan Ciidamadaasi.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.