DEG DEG+DAAWO: D. F Soomaaliya oo walaac ka muujisay shirqoolada ka socda Nairobi

Dawladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay arrimaha siyaasadeed ee kasocda dalka Kenya, waxaana halkaas kulan uga furmi doonaa siyaasiin mucaarad ah, Xildhibaano katirsan labada golle ee dawladda Soomaaliya iyo Madaxda maamulada Galmudug & Jubbaland.

Ujeedada kulanka ayaa ah sidii taabagal looga dhigi lahaa qorshaha ay wadaan mucaaradka Soomaaliya, kaas oo ay doonayaan in dawladda hadda jirta cadaadis xoog leh lagu saaro arrimaha talada in ay dhulka dhigto, waxayna la kulmi doonaan wakiilada caalamiga ah.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo arrintan ka hadlay isaga oo ku sugan magaalada Baardheere oo uu safar shaqo ku tagay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibsaneyso shirarka ka socda Nairobi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.