Daawo:- Masuul katirsan Somaliland oo shacabkiisa been niyadda ugu dhisaya “Coll.Caare dhawaan ayuu ka dagayaa Hargaysa”.

Maalmihii lasoo dhaafay deegaano katirsan gobolka Sanaag waxaa ka jirtay xiisad colaadeed oo udhaxaysa Puntland iyo Somaliland, iyadoona xiisadahaasi markii ugu horreysay uu ka hadlay badhasaabka gobolka Sanaag ugu magavaaban Somaliland Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro.

Badhasaab Tiimbaro oo warbaahinta kula hadlay hargaysa ayaa sheegay in xaaladda guud ee amniga gobolka sanaag ay tahay mid dagan waxaana uu dhinaca kale ka hadlay arinta Coll.Caare oo ah sargaal jabhad ah oo kasoo goostay Somaliland kuna sugan Puntland.

Waxa uu sheegay in ciidamadii la socday Caare ay dib uga soo laabteen fikirkooda isla markaana saacadaha soo socda uu hargaysa ka dagi doono Coll.Caare kaasi oo badalaya fikirkiisi jabhadaynta.

HALKAAN KADAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.