DAAWO:- Jabhad kale oo taageersan Boqor Buurmadoow ayaa kusoo biirtay Puntland + Somaliland jahawareer kale wajahaysa.

Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya  in jabhad hubaysan oo ka horjeedda maamulka Somaliland ay u soo tallaabtay dhinaca Puntland kadib markii ay maalmahan taba-barro ku qaadanaysay degaanka Garabcad oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Dadka magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa laga soo xigtay in jabhadda hubaysan oo taageersan boqor Buurmadow ay haatan ku sugan yihiin nawaaxiga degmada Xiingalool kadib markii ay ogolaansho ka heleen odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Puntland ee degmadaasi.

Jabhadda cusub ee ka soo baxday Somaliland ayaa sida la sheegayo doonaysa in ay dagaal ku qaaddo ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka balse weli lama xaqiijin in ay ku biirayaan jabhaddii iyaga ka soo horraysay ee Col. Caarre oo dagaal kala horjeedda Somaliland.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa xaqiijiyay jiritaanka ciidamada jabhadda ee u soo tallaabay dhinaca Puntland.

HALKAAN KADAAWO

22 Comments

  1. Aniga oo u hadlaya sida nin geyigan iyo geyiyada kale ee Soomaaliyeed ba dhaxaltooyo buuxda ku leh ayaan waxaan akhyaarta daneyneysa la wadaagi rabaa cawaaqib xumada aniga iyo dad badan oo kale inooga dhex muuqata halista ku duugan ka la faquuqidda bulshaweynta Soomaaliyeed ee dalkeenan Soomaaliya ka dul yagleeshay dambaskii heeryadii gumeysiga ee aynu qaabka geesinimada lagu dheehay uga takhalusnay.

    Caalamku waxuu iminka ka gudbay nidaamkii hore ee gumeysiga laga dhaxlay ee waddamada iyo dadyoowga dunida ku ka la faquuqay xuduudo muuqda iyo kuwo qarsoon – qaar barri ah, qaar baxar ah, kuwo siyaasadeed iyo mid maaneed inta ba. Waxaa la haybsaday hannaan casrisan oo heerar mandiqadeed iyo heerar qaaradeed lagu midoobayo – barri ahaan, baxar ahaan, siyaasad ahaan, bulsho ahaan, ganacsi ahaan iyo dhaqaale ahaan inta ba. Dad iyo dalal is ahaa ee la ka la gooyay baa dib iskugu soo wada biiray ama biiraya ba inta dhuxumihii gumeysiga la iska wada saaray oo heeryadoodii na la iska wada rogay.

  2. Marka uu xaalku sidan yahay ayaa waxaa fajac noqday in dal iyo dad is ah la isku dayo in intaas oo xuduudood la ka la dhex dhigo oo la ka la dhambalo. Bal idinku sawirta qof Soomaali ah ee imaantkiisa Hargeysa mise Berbera lagu xidhayo fiisooyin oo shisheeye ahaan loo la dhaqmayo. Mise ganacsade geyiyada kale ee Soomaaliyeed ka imanaya oo ajnabi sidiisa loo la dhaqmayo. Mise qoysas geyiyada Soomaaliyeed ka la deggan oo intaas oo shuruudo lagu xannibayo in ay caa’ilaadkooda ku soo booqdaan labada jaanib ba.

    Ummad is wada ah oo mandiqad qudh ah wadaagta in waxaas oo xuduudo iyo shuruudo ah lagu ka la irdheeyo ma talo ka xun oo ka liidata ayaa jirta? Jabuuti, NFD iyo Kililka Shanaad ayaynu xuduudaha la ina ka la dhex dhigay khaati billaahi ah ka taagnayn ee miyaynu inta is calfatay aqbali karnaa in sabab iyo qiil la’aan lagu sii ka la irdheeyo? Waxaa ba lagu han weynaa in haddii ay qarannimada Soomaaliya dib u sugnaato walaalaheenan kale la la galo heshiisyo xuduudaha oo dhan iyo shuruudaha socdaalka bannadaya oo mandiqadda dib iskugu furaya, dad na hindisahan liita ayay talo saxsan moodayaan.

    Aqbali mayno oo wax kasta oo ay nagu qaadato Soomaalida xuduudo hor leh ee aanay dani ku khasbin in qarnigan aynu joogno la ka la dhex dhigo waynu kaga hor tagaynaa. Maxaa ka naxdin badan askar Soomaaliyeed oo xad Sool, Togdheer, mise Cayn labo dhinac qoryo iskaga soo horjeedda sida labada Kuuriya?

  3. Waad qoraal fiican Tahay laakiin Caloosha wax kale Ayaa ku jira oo wanaaga aad qoreyso Horaa lagaga waayey maanta maad dhalan

    • Saaxiib waad ku mahadsantahay amaantaas laakiin waxaan kaa shaafinayaa in aydun qalad iga fahamteen ee aanay calooshaydu xumaani ku jirin. Abidkaa ma aragtay meel aan dad islaameed isku dirayo? Mise colaad ka dhex hurinayo? Mise cid ama beel wax kaftaanka iyo xifaaltanka caadiga ah ka baxsan ku caayaya ama ku jaa’ifeynaya?

      Waa maya! Xaq u dirir baan ahay u halgamaya Soomaalinimo salka ku haysa Islaamnimo sax iyo dhab ah. Waa iga intaas.

  4. Waxaa kale oo aynu wali kuwa “Somaliland” duulinaya uga fadhinnaa in ay naga qanciyaan macnaha dhabta ah ee ay ” Somaliland” ku fadhido, falsafadda iyo qaddiyadda ay ku dhisan tahay, iyo sababta mise qiilka kallifaya in ay jirto “Somaliland” Soomaaliya inteeda kale ka baxsan oo ka madax bannaan.

    Wali jawaabahaas laga ma hayo oo waxaa taasaa shakiga weyn iyo is maandhaafka taagan abuurtay. Maxaa la qarqarinayaa illayn waxii fiican waa muujiyaa ee?

  5. Jab iyo ceeb maka raacday

    Muuse Dameer biixi meel walba oo uu fooda galiyana dhirbaaxo makaga dhacday.

    Muuse Dameer soo soco afka halagu dhuftee.

  6. soo dhoweeya nin kasta oo kasoo cararaya Muuse Dameer Biixi, isaguna halkaa ha af-xumaado.

    Cidwalba oo neceb isaga halkan waa soo dhoweyn aad u wanaagsan.

    soo dhowaada

  7. Boqor Buur madow iyo Kooxda Suulmadow ee uu hogaaminayo waxaad mooda in ay ka soo taagan yihiin Filimkan qarxay ee ay wataan Habar awal ee ay doonayaan in ay isaaqa kale ku cadaadiyaan waxay iyagu doonayaan oo dani ugu jirto.
    Habar awal maamul xumadooda Halkan hoose ka daawo….

    https://youtu.be/oOyufmn8Eh4

    Habar Awal xita Lacagti Sadaqada ahayd ee Dibedda ka imanaysay Jeebka dambe ayey ku shubatay Isaaqi kalena afkay taagayaan oo wax ma haystaan.

    sheekaddi Qoys bay taagan tahay.

  8. meeshan Idoorka ileyn saacad baa habeenkii lagu seexiyaa???????

    halkay qaadka la aadann kolka meheradaha irdaha loo xidho?

  9. ASC
    Dadkii baa intii badneeyd waxay soo fahmayaan si tartiib tartiib ah in waxa dhan eey badhil iyo crazy nimo wada yihin. Inta hartayna si tartiib tartiib ah ayeey usoo caafimaadayaan. Inta QAMUUNYOONEEYSA oo madax ku siqeeysa uunbaa isku soo hari doonta markaas baa ayagana Farmaajo utalin doona Insha Allah.

  10. JIRITAANKA MAGACAAS REER BAA SITA , QAABKA AY U RABAANA MAAHA DAWLAD KUNOQDA AMA ICTIRAAF HELA WAA KELIYA DHULBALAARSI DHULKA HARTI ,WAAYO WAQOOYI WAXA DADKA QAAR UGU YEERAAN ANIGU UMA AQAAN WAQOOYIYE WAXAAN U AQAAN SOOL IYO SANAAG WAQOOYI BARI ,DHULKA HALA ILAASHADO INTA WAXA KALE LAISKA DAAYO JABHADAN HADA AAD MAQLAYSAAN REER MIYOGOODII BAA DABA SOCDA ,YUBE MAXAA LOOGU GOOBTAY WAA DHUL RIIX REER MIYIGOODII BAA DABA SOCDA, XEEBTA ILAA BOQOL KM BAY GUDAHA USOO GALEEN AAWAY XEEBTII GAHAYLE IYAGAA QABSADAY SNM ,SOOL IYADA LAGAMA WARAMI KARO HALKAN BAY KASII HOOSAYSAA FLIMKA WELI MAYDIN FAHMIN ICTIRAAF BAA LAIDINKU JAAHWAREERIYEY WAANA WAX AAN JIRIN

  11. KKKKALLE ha u naxariistee waxyaabaha lagu xasuusan karo Madaxweyne Cigaal waxa ka mid ah in uu meesha ka saaray dhaqan siyaasadeedkii kooxihii kala fadhiyay ee SNMta ay dalka la soo galeen ee ahaa “kaadh ka gubid iyo ku jiqsiinta “, taasi oo ahayd waxyaabihii ugu weynaa ee ay xukuumaddii Tuur ku duntay, tii Cigaalna ay ka dhaqaaqi weyday.
    Farsamooyinka noocaasi ah oo aakhirkiina keenay in xukuumaddii UDUB laysku nacsiiyo iyada iyo reer Gabiley, kadib markii ay dhamaan waayeen shaqaaqooyin la dhex dhigay deegaanka Ceel Bardaale, taasi oo lagu daadiyay dhiig badan.? (Via Boqor buurmadoow)?kkkkkkk
    ——————————————————————-

  12. @Jaalle Mohamuud,

    Qodobkaa aad ka sanqadhisay waa mid xisaabta aan caqli galka ahayn ee ay SNM-tu ku socoto ku jira laakiin aan jawaab kooban inaga siiyo sababta ay taasu u suurowday.

    Soomaalida ayaa teer iyo isku daygii inqilaabkii dhicisoobay ee wax ka dib curashadii qaranka aad u dhalaysatay sida ay Isaaqa uga go’nayd in ay Soomaaliya iska faquuqaan oo ay geyigan ugu taliyaan. Waxuu gadoodkaasu ka mid ahaa xasilooni daradii guud ee dalka ku sababtay dagaalkii sokeeye ee ku habsaday waloow ay Soomaalidu badankeedu iska soo taageen dawladdaas iyada ahayd.

    Qabtii dabadeed ayuu qaladkii ugu xumaa ku dhacay beelaha geyigan Isaaqa la wadaaga, gaar ahaan na Hartiga guud. Qaladkaasu waxuu ka dhashay dhayalka aan soo tibaaxay ee ay beelahan kale iyo sii ba Hartigu ku gabeen foojignaantii looga baahnaa ay Isaaqa ka galaan. Waxaa beelahan sida qaalibka ah qafladda ku riday isku halleyntii iyo daacadnimadii Soomaalinimo ee aanay kaga filanin in la isku saqajaami doono inta ay dawlad cusubi ka dhalanayso.

    Laakiin waxii ka dambeeyay markii la dhaaday damaca Isaaqa ee Puntland la yagleeshay waxaa qaladaadkii dhacay eeddeeda toos u xambaarsan beelweynta Harti iyo maamulka Puntland. Iyaga oo ogaa waxa u damacaasu yahay ayaanay taxadar adag ka galin oo xataa qaddiyaddii Hartinimo shimbirka laga dilay. Taxadarkii waajibka ahaa waxaa ka mid ahaa in inta ay Isaaqu is hubeynayeen ay Puntland na u dhisato ciidan sugan oo la tun iyo tan ah oo deegaamada Harti difaac adag looga sii galo. Tan maanta taagan ma ba aysan dhacdeen haddii laga sii foojignaan lahaa.

  13. WCS ebyan xbiti waan kaa qaaday
    beryahaan xageed kadhacday, Meesha dhan wax dumar ah kaligeey baa kusoo haray, waad igu cidleeyseene kkkkkkk

  14. Waar biciide waxna Idin tarimayso meelna tegi maayo e yay Geela Idinkasii xadin dadkana kala Barta oo iska erya inta goori goor tayay

  15. KKKK Reer QODAX maxaa qeeylo ka baxaysa.

    Boqor Buurmadoow waa beeniyayee ordaya candhuftiina dib uliqa reer afkanoolee ITAAL BARANBARO.

    Jaaniska aad quudaraynaysaan waa ISAAQ oo is dilla si aa jaanis u heshaan ilayn tabbar kaloo jirta oo haysaan baan jirine.

    Taasina ma dhacayso…xaashaa lilaah…haba u fadhiyina inaad aragtaan ISAAQ oo is dilaya si aa jaanis ugu heshaan oo gumaysiga aad sheegtaan oon idinku hayno meesha uga baxo!!

    Tabbar la’aantu xumaa…waa uun iska sidaan oo kale uun u habaartan.

    Ka warama BADHAN, DHAHAR, DAMALA XAGARE, XIINGALOOL & CELBUH.

    Kkkk kkkkk kkkkkkk kkkkkk kkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.