AKHRISO: Mgaacyada Guddiga Xuska Maalmaha Xoriytadda Somalia oo RW Kheyre magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magacaabay guddiga qaban qaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da July.

Guddigan ayaa ka kooban xubno Wasiiro & Xildhibaano kuwaas oo loo xilsaaray iney diyaariyaan hannaankii loo qaban lahaa Xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da July.

           Halkan ka akhriso magacyada guddiga:

1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye.

2: C/raxmaan ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin

3: Xasan Cali Maxamed,Wasiirka Gaashaandhigga xubin.

4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin.

5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin.

6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin.

7: Dadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Shaqalaaha xubin.

shaqada ay qabanayaan ayaa ah

1: in ay qaban-qaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26 June iyo 1 Luuliyo.

2: in ay si siman u xiriiriyaan hay”adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha xorriyyadda.

3: in ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda.

4: in ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda.

5: in ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee  lagu qabanayo munaasabadaha 26 June iyo 1-da Luulyo 2019.

6:in ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.