Waa sidee Xaaladda gobolka Sanaag kadib dagaalkii maanta lagu qaaday wasiirka waxbarashada Puntland?.

Wararkii ugu dambeeyay oo ay heleyso Marqaannews ayaa waxay sheegayaan in xaaladda gobolka Sanaag caawa ay tahay mid dagan inkasto xiisad colaadeed la dareemayo kadib dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Damalla-Xagarre ee koonfurta gobolka Sanaag.

Dagaalka oo socday muddo kudhaw saacad ayaa soo gaaray ilaa gelikii dambe ee maanta waxaana uu toos ugu dhaxeeyay maleeshiyaad katirsan Somaliland iyo maleeshiyaad uu watay wasiirka waxbarashada Puntland oo socdaal shaqo kumaraya deegaano katirsan gobolka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Somaliland oo ka yimid dhinaca degmada Yubbe ay weerar ku soo qaadeen wefdiga wasiirka oo marayay nawaaxiga degaanka Damalla-Xagarre iyadoo labada dhinac ay in ka badan 30 daqiiqo halkaasi ku dagaallamayeen sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadii Somaliland ee weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen dhinaca degmada Yubbe halka wefdigii wasiirka Puntland ay hadda joogan degaanka Damalla Xagarre balse waxaan weli xog sugan laga hayn khasaaraha ka dhashay dagaalla labada dhinac.

wixii kusoo kordha kala soco Marqaannews

10 Comments

  1. Weldone Ciidamada Qaranka Somaliland, waajibkiini waa gudateen, wixii danbena ee inagusoo xad gudba waa taqanaan sida casharada logu dhigo, cidi idiin sheegi mayso.

    Guul & Gobanimo Somaliland Republic.

  2. Hooyada warka ugah iyo aabah jeegan tahy was wow ciidanka darawishta puntland Casharo ficn ba u dhigtan muuse tuug jeeganto wado jeeganta mantay dhar baxo xun ba lagu dib dabe ma sogal bani wow ciidanka puntland we casi yasha Cuul leysda sxbyal bye

  3. Mooye markuu warkaas soo qorayay hadhuudhbaa lagu tumayay. Ama waa sidii Walweyntee masagaa lagu shukulayay. Kkkk

    Labo habrood ayaa si darandoori ah u tibeynayay. Kkkkkk

    Gargariirka ka muuqda qoraaladiisa iyo sida uu dhakhsaha bye usii yidhi ayaad ka garataa in shuqlis xawli ahi ku socday. Kkkkkkkkkk

    Mooye next time, markaad shaqada dhameyso eed normal kusoo noqoto wax la Fahmi kari soo qor.

  4. Ahmed

    Kkk waaba MOOYAHII labada islaamood intay HADHUUDH Ka soo qaataan labada tibna iskula hor jeesan jirray.

    Isgaabaa LA tibaynaayay malaha !!

    Daacad u qoslay wlhy.

    Ramadan Mubarak!

    Kkkkkkkk

  5. Warooskii meeshan ka buuqi jiray durdaba marmarsiinyo iyo waxaan loo jeedin ayay meesha lasoo shirtageen.

    Waad na daroogeyseen oo sidaas ayaad nooga badiseen ayay leeyihiin markii siyaasadii looga adkaaday. Kkkkk

    Kolkaas hadii Iidoorku Jaadka mu mirqaamo, Waroosku ma daroogada ayuu cirka ku galaa?

    Hadii Iidoorku af cagaaran soo dhigo, Warooska ma gacmahaa wada Duran?

    Hadii Iidoorku fayaamo, Waroosku ma samaduu sabeeyaa?

    Waxey noola imanayaan eega. Waar qabiilka dhan ee shiikh iyo shariifba leh, ha ceebeynina, daroogiistayaalna haku sheegina. Inta yar ee idinka midka ah ee ay weli Budhleyn qoriga dabka leh idiinku soo dhiibeyso iska qabta. Nabada aad heysataana wey idinka kala daadin, dagaalna waxba idiinka tari maayaane. Taasi waa hubaal.

  6. Ahmed

    Nimankii WAROOS ee meeshan ka buuqi jiray waxoogaagii yaraa ee Odayaasha Hargeisa looga soo qadhiidhay bay kusoo afurayaane HOONKA ka daa yaanay CASHADA kasoo yaacine.

    Badhan baa layskugu tagay oo lagu HARAAYUUBAYAA!!

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Ramadan Mubarak Sxb!

Leave a Reply

Your email address will not be published.