Video Fadeexad:Faysal cali Waraabe oo caayey Cal Khaliif Galaydh”Muqdisho Intuu Xilka Waayey Hargeysa Hadal Xun la Tagan yahay,Laascaanod Kuma Nabad Galayo.

Faysal Cali Waraabe Ayaa Weerar waxaa uu ku Qaaday Cali Khaliif Galaydh,Isagoo ka Hadlayey Awood Qeybsiga uu Dhowr Jeer Ku Dhawaaqay Cali Khaliif,Sidoo kale Waxaa uu caayey Siyaasinta Dhulbahante oo Ay ka Mid Yahiin Xildhibaan Dhakool.

Faysal Cali Waraabe Ayaa sheegay In Siyaasinta Xilalka Kasoo waayey Muqdisho Hargeysa u Imaadeen Inay Bur Buriyaan Sida uu Sheegay.

Halkani Riix Video Muuqaalka

11 Comments

  1. kkkkk Walle Somalia ilaaheey baa umaqan, waa inba si beey uwaaltay, in diin kuwaalay, in qabiil kuwaalatay, in dowladnimo iyo CITRAAF ku waalata. Allow caafimaad.

    • Waxaad ku dartaa inta kursi noocuu doono ha ahaadee ku waalatatay iyo into hunguri u waalatatay iyo daroogo u waalatay iyo inta aan la eedayn karin ee xanuun dartiis u waalatatay. Waxaad moodaa in wadankoo dhan wax qumani joogin

  2. Dhakhaatirta caafimaadka ee aduunka oo xaqiijiyay in 3 dii qof oo Soomali ahba uu 1(mid) waalanyahay waa report si xaqiiq ah loo soo diyaariyay rumeyso ama ha rumeysan adigeey kuu taalaa.

  3. Waa nasiib daroiyo waali waxa odyga kamuuqda Koley waxaad noqotay nin mar walba raaca doonta degtay ee ma sabartid miyaa
    Ma quuste kale
    Meel dadkii lahaa is cunaaya dhax joog meeshii aad lahaydna k carar waa caqli xumo

  4. Cali Khalif Galaydh, ( علي خليف غلير‎)Riwaayadii La Ohan jiray(Waa Maadeeys khaatumo, Dadkuna Way Mataleyaan.(Laascaanood?…
    —————————————————————–
    Laascaanood”:Biyo Sare Tagay Waa La Sugayaa.?(Hashkii khaatumo)?

  5. WALAALKAY DHULBAHAN TOW MAXAAN KU GU DHOLALAYAY WADA DHALASHADENI MIYA HABARI DHAANDHAANTAY WAA GURUUC DHULABAHANTE

  6. Waxaan Aaminsanahay in xalka soomaaliya waa mid muuqda laakiin waa la iska indhatirayaa.
    Cudurkii SOOMAALIYA Curyaamiyey in la cayiliyo xal ma noqoneyso
    Waana intaas la garoowsado.
    Soomaaliya Qabtaalad la siyaasadeeyey lagu dulmiyey, tusaale waxaa kugu filan Jabhadihii Dalkaan Dowladnimadiisii iyo Qarannimadiisii cagta mariyey sidii Barbarigii.
    Muuqaalka ka muuqda maamulada Gobolada Dalka ka jira waa Jabhadihii Dalka dulmiyey islamarkaana dumiyey.
    Soomaaliya Dowladnimo ayey u baahan tahay si ay u soo ceshato Dowladnimadii ka burburtay 26/01/1991.
    Soomaaliya waxaay baahan tahay dowlad xoog leh, leh He’ayado ku dhisan sharci adag, Nadaam Democracy ah, multpart system, Xisbiyo kooban,
    Hal Qof iyo Hal Cod.
    Beenta lagu jahawareeriyey dadka Soomaaliyeed ee ah waxaa daawo u ah Federalismka.
    Waxaana loogu micneeyey waxaad heleysaan is maamul,siyaasadeed iyo mid dhaqaale degan kasta Waana lagu kala badbaadinayaa!
    Waxaa kale loogu micneeyey dowlad dhexe oo xoog badan waan soo aragnay marka Federal System baa daawo u ah dadka Soomaaliyeed Taasna waa been daawana uma ahan dadka Soomaaliyeed, laakiin waa masiibo weyn, waxaana la oran karaa waa Sun ( POISON).
    Nadaamka democracy ah baa leh xukun baahsan, ee ma ahan inuu Nadaamka Federalka uu iska leeyahay Federalismku.
    Waxaa jira Democracy decentralised and Democracy centralised.
    Dowladdii Soomaaliya ka burburtay waxaay ku dhaqmeysey Nadaam ah Democracy centralised waayo Hal Xisbi kaliya ayaa waddanka ka jirey.
    Laakiin democracy decentralised waa Nadaamka Xisbiyada badan leh.
    Haddii dowladda dhexe soo magacaabi jirtey tusaale Horjooge tuulo ilaa Guddoomiye Gobol taas waxaa meesha ka saaraya Nadaamka ah democracy decentralised, dadka degaanka ayaa dooranay a qofka ay xilka u dhiibanayaan Waana loo tartamayaa micnaha doorasho baa loo galayaa.
    Heer kasta oo Nadaam dowladeed ilaa heer qaran waa loo tartamayaa.
    Sidaa awgeed waa been iyo waxaan jirin in la adinku micneeyo Federalka kaliyaa iska leh xukun baahsan, in cudur la idin kaga dhigo dowlad dhexe oo xoog badan waa halaag.
    Adduunka maantay waxaa ka jira ilaa 25 dowladood oo ku dhaqma Nadaamka Federalismka ah, islamarkaana waxaa ka jira dowlad dhexe oo xoog badan, tusaale Mareykanka, Jarmalka, Ethiopia, Hindiya, Nigeria iyo kuwo kale oo badan. Soomaaliduna waxaay u fahantay in Nadaamka Federalismka ah Jaantaa Rogan. In Governators Gobolada ay Boorsooyin la wareegaan waddamo Ajenimi ah.
    Taasna waa fahanka Nadaamka Federalismka ah iyo Soomaali Maryooleey!

Leave a Reply

Your email address will not be published.