Shirkadda Facebook oo burburisay 265Baro Warbaahineed oo ay Yahuudu ka furteen qaaradda Africa.

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay xirtay 265 baro warbaahineed oo ay lahaayeen shirkad Israa’ilyiin ah oo lagu bartilmaameedsan jiray Lix wadan oo qaarada Afrika ku yaal iyo wadamo ku yaal koonfurta Maraykanka iyo koonfur bari ee Aasiya.

Barahan ayaa lagu faafin jiray warar maxali ah, xogo qarsoon oo leeyihiin siyaasiyiinta iyo wararka la xiriira doorashooyinka wadamada Nigeria, Senegal, Togo, Angola, Niger and Tunisia

” Kooxaha waxay isku muujinayeen inay yihiin degaanka, iyagoo faafinaya wararka maxaliga ah ee degaanka iyo xogo sir ah oo laga soo ururiyo siyaasiyiinta wadamada Africa qaarkood” Sidaas Waxaayiri madaxda ka hortega dambiyada internetka ee shirakdda Facebook Nathaniel Gleicher

Baaritaano ay samaysay shirkadda Facebook waxau ku ogaatay in qaar kamid ah Baraha la xiray lala xiriirinayo Shirkadda Archimedes oo laga leeyahay wadanka Israa;iil. Shirkadan ayaa laga joojiyay dhammaani Akoomadii ay ku lahaayeen facebooga.

5 ka mid ah Lixda wadan ee bartilmaameedku ahaa ayaa doorasho madaxweyne iyo Barlamaanka qabsaday saddex sanno ee la soo dhaafay, iyadoo dalkasi Tuuniisayana uu bisha December ee sanadkan uu doorasho gali doono

Dhinaca kale, Facebook waxay sheegtay in Kooxahan baraha la xiray ay ku kharash gareeyeen xayaysiinta iyo faafinta wararkooda lacaga dhan $812,000 intii u dhexaysay December 2012kii iyo April 2019kii. Lacagaha inta badan waxaa lagu bixin jiray Dollar, lacagta Israal ee Sheke iyo lacagta Riyaaska la yiraahdo ee Baraasiil.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.