SAWIRO:- Madaxwayne Deni oo Hadiyado qaali ah gudoonsiiyay saaxiibadiis Waare iyo Laftagareen.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Abaal Marino iyo hadiyado dhiirigelina Guddoonsiiyey Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirada Maamulladaasi ee qaybta ka ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee shirka wada-tashiga caasimadda Puntland ee Garoowe kaga qaybgashay.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa abaalmarino dhiirigelina guddoonsiiyey Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, kuwaasi oo si hagar la’aan ah ula shaqeeyey isaga iyo weftigiisa muddadii ay Garoowe ku sugnayeen.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa weftiga labada Madaxweyne ku bogaadiyey shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabkooda, Isla markaana waxa ay hoosta ka xariiqeen in Puntland diyaar u tahay iskaashi iyo xiriir dhaxalgal ah oo sadexgeesood ah, kaasi oo dhexmara Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

 

1 Comment

  1. Toloow yaa igu war galin kara warar sheegaya in uu Deni haddiyado tacsiyeyn ah guddoonsiiyay qoyskii marxuumo Caa’sha iyo qoysaska kale ee gabdhaha yaryar laga dulmiyay?

    Alla munaafaqaddoodu xumaa! Subxaanallaah! Qawsaaro uus weynayaal ah ee isu wada suureynaya. Khara!

Leave a Reply

Your email address will not be published.