SAWIRO Degdeg:- Banaanbax balaadhan oo kadhacay Badhan iyo wasiirka Amniga Puntland oo ka qayb galay kana hadlay ”Jawaabta dagaalkii shalay”.

Wasiirka amniga Puntland C/samad Maxamed Galan iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaladda Baran ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay kaga qaybgaleen Mudharaad ballaraan oo lagaga soo horjeeda maamulka Somaliland.

Wasiir Galan oo ay weheliyeen Wasiiru dowlaha Degaanka C/rashiid Cali Gees, Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland Gen Muxuyadiin Axmed Muuse iyo saraakiil ciidan ayaa saaka ka soo ambabaxay magaaladda Bosaso. Ujeedka wasiirka ayaa la xiriira dagaal shalay ka dhacay degmada Damale xagare oo lagu weerary Wasiirka waxbarashada Puntland C/laahi Maxamed Xasan, dagaalkaas ayaa sababa dhimasho iyo dhaawac.

Wasiir Galan iyo saraakiishii la socotay ayaa la hadlay shacabkii Mudharaadka dhigayay oo ku dhawaaqayay ereyo lidi ku ah maamulka Somaliland.

Ma cadda in wasiirka amniga iyo Saraakiisha la socotaa uu safarkoodu ku egyahay degmada Baran iyo inay u gudbi doonaan degmooyin kale ee gobolka oo qaarkood ay joogaan Ciidamo ka amar qaatay maamulka Somaliland.

3 Comments

  1. Afar oday oo patrol lagu soo shubtay oo guri isku soo xiray maahan ee wakaas calnkii cwaale iyo Puntland state calankoodii qiimaha lahaa ee genuine ka ahaa ayaa la babinaayaa not FAKE maro god lagu qar qarinaayo oo weliba waxaan arkay dad aan asxxaab nahay iyo kuwo xidid aan nahay oo markii guryahooda lasoo galo meel ku qariya calalka fake ga ah calshaan waaba laga xishoonyaa kkkkkkk

  2. Kuwan dagaal uma jeedaan, Tolaaydii dagaalkii Tukaraq ayay wax ka barteen, iyagaa dhexdooda ruwaado isu dhigaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.