RW Kheyre ha kala doorto Goodax Barre iyo Kumaan kun dhalinyarada Soomaaliyeed ah, ama ha bareero?

Waxaa maanta ka bilowdey gobolada Dowladda Puntland ee Soomaaliya Imtixaankii shahaadiga ah oo ay ardey ka badan 15 000 u fariisteen, Imtixaanka waxaa furay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), ma ahan markii u horeysey sidaan si lamid ah sanadkii hore May/2018 waxaa Imtixaanka shahaadiga ah u fariistey 15 000 oo ardey kuwaas oo ku kala galay 100 goobood, waana nidaam Puntland ku soo dhaqmeysey sanadihii u danbeeyey.

Waa arin aad loogu farxo in gobolada Puntland oo Dowladda Federaalka ah ka horeeyey, oo ah gobolo xasiloon ay hal mar Imtixaan u fariistaan 15000 oo ardey si nabad ah ku dhacdey, aysan jirin wax caqabado ah oo looga cabsi qabo. Waxaa nasiib darro ah hadalo aan loo meel dayin dhaawac ku ah kumaankun ardey iyo waalidiintood, meel ka dhac ku ah dowladnimada iyo wada shaqeynta, iska horkeenaya bulshada iyo Dowaldda federaalka ah ka soo baxaan Wasiirka Waxbarashada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, hadaladaas oo uu ku qarinayo fashilka ku yimid shaqadii loo igmadey.

Haddaba si loo fahmo hadalada dhaawaca ah ee ka soo baxay Wasiirka Waxbarashada waxaa muhim ah in giraanta dib loo celiyo.

DIB U SOO NOOLAANSHAHA DALLADAHA WAXARASHADA

Dalladaha Waxbarashadu waxay ahaayeen awood aad u xoog badan ee dalka ka jirta, taas oo la dhihi karo waxayba sababtey dhalashadii Dowladdii uu Madaxweynaha ka noqdey Xassan Sheekh Maxamuud. Xilligii uu Puntland Madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole waxaa si weyn Puntland u wiiqdey awoodii Dalladaha Waxbarashada ee qaadi jirey Imtixaanaadka, waxaana awooduudu ku ururtey gobolada koonfureed, laakiin Dowladdii Cabdiweli Cali Gaas si tartiib ah waxaa dib u soo noolaadey awoodii Dalladaha Waxbarashada kuwaas oo mar kale laga dareemay Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu sheegay in ardeyda ka qayb-qaadanaya Imtixaanka shahaadiga ah ay gelayaan laba Imtixaan mid kuwa Dalladaha ah iyo mid Wasaaradda Waxbarashadu qaadeyso, arrintan oo noqotey mid dad badan ka yaabisey laakiin ahayd wax horey u dhici jirey, waxaana la aaminsan yahay in Dalladaha Waxbarashadu ay saameyn ku lee yihiin Wasiir Goodax Barre.

Bishii Abril 2019 Wasiirka Waxbarashada ee XFS Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu ku dhawaaqey in Imtixaankii Wasaaradiisu qaadi lahayd ay Puntland diidey sidaas darteed uu hoosta ka xariiqayo in aysan aqbali doonin shahaadada dugsiyada Puntland. Arrintan ayaa cirka isku shareertey, Goodax Barre naftigiisa ayaa yiri hadalkayga si khaldan ayaa loo fasiray, inkasta oo fasirada uu bixiyey ay kaba sii darneyd tii hore, waxaana arrintan dhex galay Xildhibaanada Aqalka sare oo aan wax natiijo ah soo saarin. Dooda ugu adag ayaa ahayd Imtixaan caynkee ah ayaa Goodax Puntland ka qaadayaa haddiiba aanu dalku lahayn manhaj mideysan, ardeyna imtixaan loogama qaadi karo manhaj aanu dhigan sidoo kale waxaa meesha ku dhumaya macnaha federaalka iyo awoodaha ay lee yihiin Dowlad Goboleedyadu, iyo doodo kale oo ka culus.

QOFKASTA SIDUU U GOGLADO AYUU U SEEXDAA.

Iyada oo aan laba gaarin imtixaanadii Shahaadiga ahaa ee Puntland ee Wasiirka Waxbarashadu ka digaayey, ayuu bilaabey kuwii uu doonaayey in dalka oo dhan laga qaado marka Somaliland laga reebo, laakiin nasiib darro Imtixaankasta waxaa lagu faafiyey isaga oo sidiisi ah Internetka. Goodax oo goroda laad-laadinaya waxa uu tegey Telefeshanka Qaranka waxaana uu ka sheegay in Imtixaanaadkii la fashiliyeysidaas darteed la joojiyey gebi ahaantoodba arrintan waxay keentay caro weyn oo ay qaadaan ardeyda kumaankunka ah ee u fariistey Imtixanaadka, waxaana ay u soo baxeen dariiqyada, waxay sheegeen in dhibaato ay wax-ku-bartaan, subax la arko iyaga oo labisan jidka laga celiyo oo waddooyinka loo xiro madax kale oo caalamka ka socota oo imaaneysa, taas oo ay u dheertahay qaraxyada iyo dilalku, duruuf adag ay wax ku bartaan midda uu sameeyey Wasiirka Waxbarashadu aysan sinaba u qaban.

Wasiirka Waxbarashada XFS Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu u gefey Shaqaalihii wasaaradiisa, Waalidiinta Ilmaha dhalay iyo ardeyda qudhooda markii uu jawaab ka bixinaayey cabashadooda iyo go’aanka uu gaarey.

KADAR OO DIBI DHAL

Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu maanta sheegay hadal kale oo qarax weyn dhaliyey “Bombshell”, Isaga oo raba in uu qanciya bulshada ku dhaqan magaaladii Xildhibaanimada looga soo doortey ee Jowhar oo si weyn uga caraysan Imtixaanka fashilmey ee la joojiyey, ” Saacadan aan idinla hadlaayo Puntland imtixaan ayey qaadooysaa waana fashilmey”, hadalkan ayaa ah mid bensiin ku sii shidaya dabkii uu horey u shiday ee ahayd in “Shahaadosuur” ay noqon doonto warqadaha Puntland, marka si fiican loo fasiro Wasiirku waxa uu ka wadaa waa Imtixaan aan diidey ayey qaadayaan waana fashil.

Wasiirkii ka horeeyey Goodax Barre oo magciisu ahaa Cabdiraxmaan Daahir Cismaan waxa uu xilkiisi ku waayey markii uu duray jaamacadaha Soomaaliya, kadibna ay qaylo-dhaan ka soo yeertey Dalladaha Waxbarashada, HADABA

Goodax Barre muxuu kaga duwan yahay Cabdiraxmaan Daahir Barre, maadaama uu 16 000 oo ardey ah doonayo in uu mustaqbalkooda mugdi geliyo, waxa uu uga duwan yahay waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, waa Xildhibaan qaylo badan oo halka uu taageersan yahay si ba’an u difaaca, si kale waa taageerayaasha u weyn ee Xukuuumadda Baarlamaanka ka dhex difaaca ilaa uu saaxibadiisa iyo jaalayaashiisa al-Shabaab inay yihiin ku dhiirado.

KHEYRE LABA HAKALA DOORTO.

Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre oo laba jeer booqdey Puntland waxa uu ogyahay taageerada uu ku lee yahay, gaar ahaan dhalinyarada sidaas darteed, waxa uu samaynayo Cabdullaahi Goodax Barre haddii aanu ku garab taagneyn waa in uu tallaabo ka qaado, waa in uu kala doorto Kumaankun dhalinyarada ah ee taageersan iyo Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, 16 000 oo ardey maahan wax mustaqbalkooda lagu ciyaari karo rajo beelna lagu ridi karo. Cabdullaahi Goodax Barre ma qaadi karo masuuliyadda Wasaaradda Waxbarashada, waxaana la gudboon Raysalwasaare Kheyre in uu odayga u wareejiyo Wasaarad kale oo uu ka bixi karo HADDII KALE waxaa caddaaneysa in rayslawasaare Kheyre iyo xukuumadiisuba ay ku taageersan yihiin hadalada dhaawaca ah iyo damaca ah in Wasiir Goodax uu ku ciyaaro mustaqbalka 16000 oo ardey ah.

PUNTLAND MAXAA LA GUDBOON?

Bishii Abril 2019 markii uu Goodax Barre ku dhawaaqey in shahaadooyinka Puntland aysan aqoonsan doonin waxaa u jawaabey qofkasta si ka baxsan xirfadda siyaasadeed, haddaba si arrinta loo adkeeyo waa in madaxtooyada Puntland ay soo fara gashataa arrinta mowqif adagna ay ka qaadataa, sida Horseed Media ogaatey Madaxweynaha Puntland isla habeenka caawa ah waxa uu la xiriiray Raysalwasaare Kheyre, waxaana uu dalbadey faah-faahin waxa ka soo baxaya Goodax Barre ma ahan wax caadi ah, waa arin wanaagsan laakiin waxaa habboon in kor loo sii qaado loo yeero 42 Xildhibaan ee Puntland Dowladda federaalka ah ku metala ayna moqif adag ka wada qaataan arrintan.

Ugu danbeyntii Wasiirka Waxbarashada ee Dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, waxaa la gudboon in uu dib ula noqdo hadaladiisa dhaawaca ah, waxaa muuqata in lagala caal waayey in uu caddaalad iyo sinaan ugu adeego dhamaan bulshada in uu fahmo nidaamka federaalka ee dalku qaatey in Waxbarashada aan la siyaasadeyn laguna ciyaarin mustaqbalka ardeyda Soomaaliyeed, mar haddii uu ku fashilmey shaqadii uu Puntland kula diriray waxaa la gudboon in uu wasaarad middaan ka shaqo fudud raadsado ama halkii uu ku wacnaa ee baarlamaanka Mikrofoonkiisi la dhex istaago.

Waxbarashada Soomaaliya waxay u baahan tahay hormarin dhinac kasta ah, waxaa habboon in dalka loo sameeyo manhaj mideysan, si ardeyda Soomaaliyeed dhamaantood u geli karaan hal Imtixaan oo mideysan, in meesha laga saaro Imtixaanada Dalladaha Waxbarashada, taas waxaa ka horeeya in marka hore la helo jawi xasiloon, qalabi wanaagsan oo diyaar ah iyo guddiyadii ka shaqeyn lahaa arrintaas.

6 Comments

  1. MAKING A MOUNTAIN OUT OF A MOLEHILL

    My God! The Somali leaders’ neverending playground politics is beyond ridiculous, to be quite honest. They have turned their petty politics into a culture and it is both really annoying and utterly embarrassing for us Somali citizens who expected more maturity from them.

    Another strange phenomenon which has left most Somalis bewildered is the fact that almost all of these leaders’ names come with the shiny titles of either Doctor or Professor, yet their utterly unprofessional and unsophisticated demeanor reflects otherwise.

    A classic example of their ineptitude is the current squabble over examinations. In any normally functioning government – federal or otherwise, there would be civil servants in any given department who are working collaboratively with educational and other various institutions and resolving such matters.

    That the most senior federal and national leaders are clashing over examinations leaves us all in total despair, quite frankly.

  2. ASC.
    Dabshidow, KUD KA GUUR QANJE U GUUR, waxaan ka soo guuray meel aan wax ku qorijiray oon wax yar ku kahsaday WAXAAN u soo guuray mid aan islahaa WAXAAD ka heli IN yar oo Somalinima SAA waaba guri QARAN dumis BAL fiirsha waxay qoraan; Anonymous, Taajka Maakhir, Ahmed iyo Waddani WAA wada NOOC MINA shabaab ah oo aan qorayn wax yar oo Qaran-nimo & Dawladnimo HIIL u ah, BAL intay u socdaan?. °Waxaan aqaan Dhaqanka Somaliye U malaynma inaan MARQAAN-NEWSna ku negaan. °Waxaan ku dhex jirna Dagaal u dhexeeya Qaran dumis & Qaran-doon ANNA waxaan doortay QARAN wax kastana diyaar baan u ahay Xitaa in MARQAANNEW layga raacdeeyo. WBT

  3. Ahmed Somali lol meel walba dhalaankii Jabhadaha ayaa daadsan oo aan qarinnimo iyo soomalinnimo waxba ka garaneyn dhib ma laha ee ducada ugu dadaal in ilaahay caafiyo oo u gargaaro iyagu dembi ma laha waa dad aan wax ogeyn iyo duruufihii ay ku soo barbaareen oo ah dhaqan jabhadeyn iyo rag iska dhicin marka ducaa ugu dadaal waa bil ramadaane waa intaa oo uu ilaahay aqbalaa oo caafimaad buuxa siiyaa ilaahay ma cadaabo qofka aan waxba ogeyn aamiin.

  4. ASC.
    Wasiir Godax, waxaan leeyahay la Tasho Madaxda Wasaaradaada KUNA sugnoow Caddaalad & Somalinimo ciddi kaa hortimaadna adoon wejiga ka fiirin DARDAR. °Kuwa, qalda DADKA masaakiinta WAA xildhibaanki aad farta ku fiiqaysay, Xulafadi Xasan Sheekh,Fiqi, C/Raxmaan C/Shakuur iyo Qatar kale oon rabin isbedel. °C/LLAAHI, meesha waxaa ka socda Dagaal Qaran doon & Qaran diid ee Wasaaradaada ka dhex raadso Qaran doon XITTAA Karaaniya. WBT

  5. ASC.
    Mahad, mahadsanid adeer MEEL danqaysaad iga taabate. °Adeer, dagaalka iyo ducada waan isku dhex wadi oo marabo inaan DAAWADE ka noqdo Dagaal Qaran-doon & Qaran-diid. WBT

  6. @Ahmed Somali & Mahad,

    War niman yahow barasho wacan marka hore. Marka xiga Ahmed Somaliyow “spoilers” ku yara tuuro waayo adiga oo FL350 emergency uga soo daadegaya ayaadan haddana xawligi sii dhimin saaxiib. Waa adigii nagu yidhi duuliye ayaan ahay.

    Anigu haddii aan isu hadlo aqoon baydaan ii lahayn ee waxaan ahay nin dhankaa Woqooyi ka soo jeeda ee qarannimadeena Soomaaliya aawadeed goobtan Marqaan si xun loogu jaa’ifeeysto. Labadiinu waxaa idin haysta labadan cilladood:

    1. In aydun kala garan kari waydeen qaab-qoraalka saxaafadeed ee faaqidaadda waxyaabaha qaldan lagu bartilmaansado iyada oo uu qasadku yahay in qaranka la toosiyo, iyo hujuumada mucaaradnimo ee qaran dumminta loogu talo galay. Saxaafadda noocan oo kale ahi hawraar hanfafsan baa lagu soo tabiyaa loo la jeedo in baraarujin iyo wacyi galin xooggan dadka ka qaafilsan maanka iyo qalbiga looga gilgilo.

    2. In aydun waddaniyadda iskaga jibbeysan tihiin oo sidaasi aawadeed aanu maankiinu iyo qalbigiinu idin siin karin in waxii qaldan farta lagu fiiqo oo carrabka iyo qalinka na lala beegsado maadaama ay jibbadu idin ka qaalib noqotay. Saaxiibbayaal dawladnimada iyo qarannimada tayada leh waxaa lagu hantaa oo kali ah iyada oo lagu dhiirado in qaladaadka iyo eymaha jira la soo shaac bixiyo oo taleyn iyo tusaleyn lagu muunadeeyo sida aan anigu sameeyo.

    Qaran dummis ma aha in qaladaadka la iska saxo oo madaxda lagu cambaareeyo nusqaamaha hoggaankooda wax u dhimaya ee dalka iyo dawladnimada ragaadinaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.