Roobab wali ka da’ayo Deegaano abaar ay kajirtay oo katirsan gobollada Sool iyo Mudug iyo meelo kale

Roobabka gu’ga oo laxaad leh ayaa xalay miray, degaanno badan oo ku yaalla gobollada Karkaar, Nugaal, Sool iyo Mudug oo hore kulayl iyo baaro daran ka jireen.

Dhul ballaaran oo ka kala tirsan gobollada Karkaar,Mudug, Nugaal iyo Sool ayaa xalay roobsaday, sida sheegeen dad ku sugan degaanno kala duwan oo gobolladaasi ah.

Meelaha roobsaday waxaa kamid ah magaalooyinka; Garoowe, Qardho, Laascaanood, dooxooyinka Nugaal, jeexdimaha dhoodida Sool iyo Ciidka Mudug

Magaalada Garoowe hiraabtii hore (Suxuurtii) saaka, waxaa ku da’ay mayay (bariise) ka dulka-hooryeeyay, gufaacadii uu soo kiciyay gud-gudihii xalay maaruqay gobollada Sool iyo Karkaar.

Roobka oo si jawi deggan oo aan dabayl wadan u da’yay ayaa biyaha waray gudaha magaalada iyo dooxooyinka ku xeeran.

Sidoo kale weli waxaa cirka ku marriiman daruuro biyaysan iyo fadad cas oo dhibcaynaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.