Kooxo hubeysan oo laba weerar ka geysatay magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee gobolada Bari iyo Mudug, ayaa sheegaya inuu ka dhacay laba weerar, kuwaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Weerarka koowaad, waxa uu galabta ka dhacay Boosaaso, waxaana lagu dilay Wiil dhalinyaro ah, kaasoo kamid ahaa 4,138 Arday oo saaka u fariistay imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad ee dowlad Goboleedka Puntland.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Sulaymaan Maxamed Bootaan,waxaa dhexda u gashay rag Bistoolado ku hubeysan xili uu Soomanaa, isagoo wax ka baran jiray Iskuul lagu magacaabo Towfiiq oo ku yaalla magaalada Boosaaso.

Weerarka labaad, waxa uu isaguna Caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo dhinaca xigta Galmudug, waxaana dhaawac loogu geystay nin lagu magacaabo Axmed Qoodeeye oo ah Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug ee Galmudug.

Majirto wali cid ay mamaulada Puntland iyo Galmudug u soo qabteen labada weerar, iyadoo todobaadyadii u danbeeyay ay dhowr weerar ka dhaceen magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso.

2 Comments

  1. It is all too well and the right strategy for Puntland to engage with the international community in the pursuit of restoring our once glorious nation of Somalia. However, focusing all the leadership’s efforts solely on the federal level and the international stage is not only futile but hugely counterproductive.

    Puntland can be a more relevant and reliable force for good in our nation-building efforts when it first transforms itself into a powerful region with the strongest economy based on effective productivity. A self-reliant and highly productive region with the full capability to run a highly efficient and modern security apparatus and also able to provide a flamboyant social welfare program for its citizens.

    By losing focus on its local agenda and concentrating only on the federal and international stage, Puntland’s leadership is doing itself no favors at all and indeed doing this majestic state the greatest disservice in every respect. Puntland’s leaders tend to lack all qualities and traits that make one a fantastic leader.

    A president on an international diplomatic marathon while his own region is facing its worst ever insecurity is of no use to anyone – neither the great citizens of Puntland nor the international diplomatic circles.

  2. Nin Garoowe lag keeny xasil idiin samaynmaa ee Reer Boosaasow kuwa idin dilaaya ee idinla jooga iska qabta adinkoo dabin u dhigaaya Hal qof la qabto baa idinku filan waad ogaanaysaan kuwa idiin soo shaqo tagay

Leave a Reply

Your email address will not be published.