Xildhibaan Ilhaan Cumar oo si cajiib ah utaageertay in ay isu galmoodaan dadka isku jinsiga + Sababta oo ay shaacisay.

Xildhibaanadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Ilhaan Cumar, ayaa Aqalka Congress-ka geysay hindise sharciyeed difaacaya xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

Waxay dooneysaa in arrimaha socdaalka laga hor istaago qof kasta oo gacan ka geysatay fulinta sharciga ay meel marisay boqortooyada dalka Brunei ee dhigaya in la mamnuucay in ay isu galmoodaan dadka isku jinsiga ah.

Sharciga dalka Brunei ayaa dhigaya in dadka lagu helo in ay isu weeydaarteen iyaga oo isku jinsi ah, in lagu xukumayo dil dhagax ah (rajmin).

Ilhaan oo fariin soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayaa sheegtay in sharcigan ay oga gol leedahay in ay oga hor tagto wax ay ku tilmaamtay “Naceybka iyo dulqaad la’aanta kala aragti duwanaanta”, sida ay hadalka u dhigtay.

Ilhaan Cumar oo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah, Soomaalina ah ee gasha Aqalka Congress-ka ayaa aad loogu yaqiinay in ay u ololeyso arrimaha muslimiinta.

War qoraal ah oo ay soo dhigtay bog ay ku leedahay internet-ka oo ay kaga hadlaysay sharciga boqorka Brunei uu dhowaan shaaciyay, ayay ku tiri “Sharcigan waa mid lid ku ah qiyamkeena xuquuqda aadanaha, waana in lagu dhaleeceeyaa ereybixinnada ugu xoogga badan”.

Sharciga ay Ilhaan Congress-ka hor geysay ayaa quseeya in xayiraad la saaro islamarkaasna laga hor istaago in uu ganacsi la yeesho Maraykanka qof kasta ama shirkad kasta oo gacan ka geysata hirgelinta sharciga cusub ee Brunei ee ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

5 Comments

    • “Ilhaan Cumar oo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah, Soomaalina ah ee gasha Aqalka Congress-ka …”

      SUBXAANALLAAHI MALIKUL QUDDUUS!

      Macbadka ugu weyn ee shayddaanka lagu caabudo oo gaalnimada ugu xun xaramka u ah weeye Aqalka Cad iyo Congresskiisa ba. Markaas ayaa dadka waxa ugu cajiibsan loogu ekeysiinaya in ay gabadh Soomaali mise muslim ahi ku biirtay!

      War gabadh Ilhaan ka nasiib xuni adduunyada kama jirto kol haddii ay xaramka shayaaddiinta ee dunida ugu weyn isku biirisay. Adduun iyo Aakhiro ba way ku seegtay oo haweeney Soomaaliyeed ee ka ayaan darani koonkan ma soo marin.

      Akhas iyo Khara!

  1. Ilan waa gabadh xaLaal ku dhaLatay oo ku cad cida ay Tahay waayo raacday wadadii reerKeeda lagu yiqiin sidii Ayaan xirsi ,afweyne, wadaadkii talex iyo …..

Leave a Reply

Your email address will not be published.