Dowlada Soomaaliya oo Sucuudiga Tageertay ,kana Hadashay Weerar lagu Qaaday Sucuudiga

Dowladda Soomaaliya ayaa war deg deg ah kasoo saartay weerar duqeymo ah oo ka dhacay degaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambeysay falkaasi oo ay sheegtay in uu ahaa Mid argagixiso oo ka dhan ah dowladda Sacuudi Carabiya.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliya lahayn oo gacan ku samays ah oo waxyaabo qarxa lagu rakibay oo shalay subax oo Talaado ahayd lagu beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya” ayaa lagu yiri War kasoo baxay dowladda Soomaaliya

“Soomaaliya waxa ay u aragtaa falalkaasi burburinta leh mid halis ku ah nabadgelyada gobolka, waxa ayna si dhammaystiran u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya hoggaankeeda, xukuumaddeeda iyo shacabkeeda si ay uga hortagaan iskuday waliba oo lagu waxyeeleynayo amniga qarankooda.” ayaa sidoo kale lagu yiri Warka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.