Degdeg:- Kenya oo sii kordhisay cunaqabataynta ay ku hayso dadka Somaliyeed “Waxaa la xidhay xawaalado kuyaal Nairobi”.

Wax ka yar 24 saac kadib markii dowladda kiiniya ay u diiday Fiisaha dal ku galka wasiir iyo xildhibaano Soomaaliyeed, ayaa hadana Kiiniya waxay qaaday tallaabo kale oo ay ku ciqaabayso dadka iyo dowladda Soomaliyeed.

Dowladda Kenya waxay maanta albaabada iskugu laabtay 5 xawalaadood oo lahayeen ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah xawaaladahaasi Amal Bank, Taaj iyo kuwo kale.

Go’aanka ay kiiniya albaabada ugu laabtay xawaaladaha Soomaalida ayaa noqono ayaa noqonayaa midkii saddexaad ee ay ku tallaabsato saddexdii toddobaad ee u dambeeyay, Kiiniya waxay hore u joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee isaga gooshi jiray Nairobi iyo Muqdisho, waxay kaloo xalay fiisaha dalkugalka u diiday masuuliyiinta barlamaanka iyo xukuumadda Federaalka ee Shirarka ka qaybga magaaladda Nairobi.

Dowladda Federaalku weli kama jawaabin tallaabooyinki u dambeeyay ee ay qaaday dowladda Kiiniya.

Xiisada u dambaysay ee Soomaliya iyo Soomaaliya u dhaxaysa ayaa bilaabatay kadib markii xukuumadda Federaalka ay magaaladda London ku qabatay Bandhig lagu iibinayay shidaalka ku jira Badda Soomaaliya. Kenyan ay ku eedaysay DF inay iibinayso Ceelal shidaalka oo ku yaal xuduud badeedka u dhexeeya labada wadan oo ay Kenya Sheegaynayso.

Dacwada Muranka badda ee labada wadan ayaa haatan waxay taala maxkamada Caalamiga ee Heugu, waxaana la filayaa in go’aan laga soo saari doono.

3 Comments

  1. ishiisa laga arko ushiisa lagu tuma. good job Keniya.
    Dowladda Kenya iyo dadkeeda waa musuq maasaq socdo marka waxeey arkaan Farmaajo iyo Khayre khayraadka Soomaaliya bililiqeysanaayo marka Kenya madaxdeeda waxeey rabaan bililiqadaas wax laga siiyo.

  2. Lax waliba shililkay is dhigto ayaa lagu qalaa. Daciifnimada Dawlada Soomaaliya ayaa keentay iney Kenya sidaas kibir kibirka ula Dhaqanto muwaadiniinta Soomaaliyeed.

  3. Waa yaab, bal ragga Dowladi soo dirsatey ee leh waan matalaa, markii loodiidey in ay galaan Kenya iyaga oo Basaboorkii Somaliga ah wata, ee la soo baxay Basaboora ajnebi ah Mareykan Holand jarmal, sow foolxumo ma aha, waxaan leeyahay kuwaas hala casilo wax ma garatada. mana aheyn in ay dad matalaan, sidee ku dhici kartaa in uu basaboor ajnebiya la soo baxo Markii kii Dowladda Somaliyeed loo diidey.! KKKKKHhhh

Leave a Reply

Your email address will not be published.