Degdeg:- Askari katirsan Boliska Puntland oo hadda lagu dilay Boosaaso.

Askari ka tirsan ciidamada booliiska ayaa caawa lagu dilay isgoyska Xalwo Banaadir ee Magaaladda Bosaso. Askariga la dilay oo lagu magacaabo Sharma’arke Axmd Waabeeri, waxaa uu ka tirsanaa saldhig Mijir ee magaaladda.

Rag hubaysan ayaa rasaas ku furay Baabuur nooca loo yaqaan Brobox oo lagu midabeeyay calaamada Booliiska, kaasi oo ay saarnaayeen Askariga la dilay iyo labo askari oo kale.

Askari kale ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkaasi.

Ilaahay Naxariistii Janno ha siiyo Sharma’arke, ehelkiisana Samir iyo Iimaan ha ka siiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.