DEG DEG+DHACDO NAXDIN LEH: Gaari ay la socdeen arday oo lagu rasaasadeeyay &

Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in gudaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu rasaaseeyay Gaari ay la socdeen Arday waxka barata mid kamid ah Iskuulada ku yaalla Muqdisho.

Falkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Bar Koontarool oo Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Degmada Wadajir,isla markaana waxaa geystay Askari ka tirsan dowladda,waxaana ka dhashay Khasaaro.

Saddex Arday oo isla dhalatay ayaa xaqiijiyay in Gaariga la rasaaseeyay ay la socdeen,kuwaasi oo dhammaantood uu soo gaaray dhaawac,waxaana loola cararay mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Warar aan helnay ayaa sheegay in Ardaydaas lagu kala magacaabo Sakariye Daahir, Hodan Daahir iyo Safiyo daahir,iyagoona wax ka baran jiray Iskuulka lagu magacaabo Al-anwaar,waxaana ay dhiganayeen Fasalka 11-aad ee Dugsiga sare ee heerka Waxbarashada.

3 Comments

  1. Anonis shaydaan magaca WAA magaca shiyaadiin ogoow WARKA aad KU hadlaysa WAA DANBI AAD ù XUN waayo Intaadan Caayin Haweenka SOOMALIYEED EE MUSLINKAA XASUUSO HOOYADAA WALAASHAA IYO KUWA MUXRIMKA AAD U TAHAY OO DHAN WAA DIGNIIN TAAS HADAAD MUSLIN TAHAY NA RAMADAAN KARIIM

Leave a Reply

Your email address will not be published.