DEG DEG+DAAWO: Somaliland oo mamnuucday Shidaalka ka soo galaya dalalka deriska ah & Sababta oo la Yaab leh

War ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu mamnuucay Shidaalka Somaliland kaga yimaado dalalka deriska ah.

Mustafa Godane Cali Bille Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeyay Wasaaradda ay mamnuucday shidaalka Somaliland kaga yimaada dalalka deriska ah.

Agaasimaha ayaa arrintaan u sababeeyay inaan la xaqiijin Karin tayada Shidaalka Somaliland soo galaya lana xakameyn Karin tiradooda.

Wuxuu amar ku bixiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Somaliland cidii amarkaasi u hoggaansamiweysa in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.