Deg-dega:- Alshabaab oo sheegtay masuuliyadda dilkii xalay Gaalkacyo loogu gaystay taliyihii ciidanka isku dhafka.

Ururka Alshabaab ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegteen masuuliyadda dilkii xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay sargaal muhiim u ahaa xasilinta gobolka.

Col.Khaliif Nuur Shiil ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerar rasaas lagu furay xalay xili uu kasoo baxayey Masaajid ku yaal koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Kooxda weerarka geysatay ayaa la sheegay inay baxsatay.

Taliye Khaliif ayaa ahaa hogaanka ciidamada iskudhafka ah ee ka kala socda Puntland iyo Galmudug ee ka shaqeeya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo lagu dilo Taliyaha ciidamadan khaaska ah ee suga amaanka magaalada Gaalkacyo, waxaana sanad kahor weerar ismiidaamin ah lagu dilay Taliyihii hore ee ciidamadan Col. Cabdixakiin Cabdullaahi Xoreeye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.