Deg-deg:- Khasaaraha dagaalkii maanta ee Sanaag oo la ogaaday iyo Somaliland oo jabkii ugu badnaa gaadhay.

Inkastoo wararka ay heleyso Marqaannews ay sheegayaan in xaaladda guud ee gobolka Sanaag caawa ay tahay mid Dagan hadana waxaa isa soo taraya wararka kusaabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkii manta.

Marqaannews ayaa loo xaqiijiyay inuu Jiro khasaare dhimasho iyo mid dhaawacyo oo kusaabsan dagaalka manta ka dhacay deegaanka Damalle-Xagare oo dhaca koonfurta gobolka Sanaag.

Sida ilo xog-ogaal ah usheegeen Marqaannews dagaalka manta waxaa ku dhintay inkiabadan 10ruux oo dhinacyadii dagaalamay halka dhaawacana uu intaasu kabadan yahay.

Khasaaraha dhinaca Puntland ee inoola xaqiijiyay ayaa ah dhimashada Seddex Askari iyo dhjaawaca afar kale kuwaas oo dhamaantood la keenay magaalada dhahar ee isla gobolka Sanaag.

Dhinaca Somaliland Iyana waxaa inoola xaqiijiyay in ay ku dhinteen 7Askari oo katirsan meleteriga halka dhaawacana uu intaasi kabadan yahay wallow aan la ogayn tirada rasmiga ah ee dhaawacayada Somaliland.

Masuuliyiin uhadashay labada dhinac waxa uu mid waliba guul ka sheegtay dagaalka wallow ilaha madax banana ay xaqiijinayaan jiritaanka kihasaare baaxad leh oo kadhashay dagaalkii manta.

Wixii dheeraad ah kala soco Marqaannews

3 Comments

  1. Intaasina waa DHIIG JOOJINTII ALL MIIROO NEWS..

    Kadib markii maantaa dhabar jab weeyn iyo wadna u geeeystay TAGEERAYAAAHISII ku xidhnaa mareegta ALL MARQAAN NEWS.

    Have a Good Afternoon.

    God bless Somaliland.

  2. Muslim killing Muslim? Both are Ehelu-Naar. Month of Ramadan even they’re killing each other. Am really very sorry for even being Somali. 21 century we are still in the stone-age.

Leave a Reply

Your email address will not be published.