Deg-deg:- Jawaabta Kenya ”Dhoola-tus aan horay loo arag oo caawa ka socda Hawada Muqdisho iyo madaafiic laga maqlayo meel kala duwan”.

Ciidamo katirsan Dowladda Somalia gaar ahaan qayb kamid ah Ciidankii dhowaan lagu soo tababarey Dalka dibadiisa ayaa caawa tijaabo dholatus ah kawada hawada sare ee Magaalada muqdisho.

Ciidamadaan oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga ukaca ayaa dul heehaabaya caasimadda waxaana shacabka ay si caadi ah u arkayaa diyaaradaha iyagoona maqlaya dhawaqa diyaaradahaan oo ah kuwo casri ah.

Sidoo kale shacabka Muqdisho ayaa maqlaya Dhawaqa hubka culus iyo kuwa fudud oo ay tijaabiyeen ciidanka dhoolatuska sameynaya, iyagoo si gaar ah tijaabada uga sameeyey xarumaha mileteriga ay ka degan yihiin Magaalada muqdisho.

Tijaabada ayaa ah sida aan xogta ku helayno habka ciidanka iyagoo diyaarad saaran ay u weerari karaan xaruumaha cadowga, waxaa la arkayey ciidanka iyagoo hawada hoose diyaarad ku socta kaga degaya xargo dhaadheer, qaarna ay dhulka joogeen, iyagoo matalaya inuu cadow soo weerarey ay iska difaacayaan.

Arintaan ayaa ah mid aan horay looga samayn dalka tan iyo burburkii waxaana ay qayb katahay dadaalada Dowladda Somalia ku doonayso in ay ku tayayso ciidankeena si loosoo celiyo sharaftii iyo karaamadii ay ciidamada Somaliyeed kulahaayeen dunida gaar ahaan qaaradda Africa.

 

7 Comments

  1. War heedhe dhoolatus iyo dig dig uma baahna Kenya waxaa ku filan in qaadka ama jaadka keliya laga joojiyo inay dalka keenaan laakiin Soomaalidu diyaar ma u yihiin inay taageeraan dawladooda hadii ay go’aankaas qaadato jawaabtu waa maya walaahi sida aan wadkeyga u hubo ayaan u hubaa in qaar soomaalida ka mid ah ay xitaa markaa ka ganacsi qaad la bilaabi lahaayeen Kenya marka maxay Soomaalidu isu xiijinayaan iyagoo runtooda og waxba yaan dawlada la xagxagin kuwii ka tirsanaa oo doonta la saarnaa ayaaba lugaha ku dhegan waa halka aan ka xaqiiqsado in Soomaalidu ay carab tahay waxa Yuhuuda ay Carabta uga adagtahay waa in Carabta mar walba laga dhex helo dad Carab ah oo Yuhuuda jaajuusiin u noqda ama basaasiin halka aadan weligaa arkeyn qof Yuhuud ah oo Carabta jaajuus ama basaas u noqda tusaale wiil qabay gabadh uu dhalay madaxweynihii Jamaal Cabdi Naasir ee Masar ayaa jaajuus u noqday Yuhuuda ma garan kartaa baahi u geyneysa inuu Jaajuus u noqdo cadowgii dalkiisa baahi ma jirto ee waa wax ku beeran oo qadiyad xumo iyo dadnimo xumo ah dadka Carabta dadnimada waa u dhalasho uu ilaahay bixiyo taariikhda islaamka hadii aad akhrisana waxaad ku arkeysaa mar walba uu islaamka meel lagu jabiyo inuu ku lug lahaa qof Carab ah oo cadowga islaamka jaajuus u noqday oo hunguri ku bedeshay qadiyadii islaamkiina dhabarka ka toogtay Soomaaliduna dadkaa ayay la dhasheen Filimka laga sameeyay wiilkii madaxwenaha masar gabadhiisa qabay ee yuhuuda basaaska u ahaa waxaa la yiraahdaa (The Angel) wiilkana waxaa ka oran jiray Ashraf Marwan.

  2. Min diradaha kenay wadaa ka kenay joojinwayay dholatus muxuu ku wadaya beri waxaa imanaya toban diyaradood oo sun sida dolar lagu bedelanayo

  3. Dholatus waxan tari mayo illaa diyardaha sunta sida la joojiyo oo dollar i qadanaya lama Hello munika cid u jawabta away nimankii xoga badnaa dawalad goboledyada u jawabi jiray ma balka ka qoyay

  4. CABI NINKA WATA AYAA XALKA KEENYA IYO SOMALIYA SOODHAWEEYEY WAA IN QAADKA SUNTAA BELAD XAAWO KU EKAADAA WIXII RABA SUNTAA EE LOIGA TAAG WAAYO BELAD XAAWO YUUSAN KASOKAYN OO CIDHIIDHI HALAGELIYO WALAALE YAAL SOOMALIYA HATOOSTO DABADHILIF IYO QAB QABLE HADHSCO OO HA ISRAACDO SOOMAAL

  5. Hanjabaad been ah, caga dam dam leyn waa lagu yaqaan Zoo malia, Kenya hada ayay ku xukuntaa dhulkaaga ka talisaa maxay beeeen kuu tari.
    Zoomalia waxay noqdeen ilma yar la xambaarsan yahay oo dhabar qaniin yaqaan.

  6. Madaafiic baan ridnay ayuu ku leeyahay, ha, ha,ha, ha, intaay canbuuulo ka dhergeen ayay bahal dhuuso ah ku rideen barararaaaaaaq,
    bam, bam.

Leave a Reply

Your email address will not be published.