Daawo:- Wasiir Goodax oo hadda kahadlay banaanbaxyadii maanta ” Wixii aanu aragnay arday ma ahayn ee waa dad …”.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre,Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ah ku xigaha dhanka duqa ee maamulka iyo Maaliyada Mudane Xuseen Maxamed Nur iyo Kuxigeenka duqa dhinaca arrimaha Bulshada iyo wacygelinta Basma Caamir Axmed iyo Daladaha Waxbarasho ayaa maanta kulan gaar ah kaga arinsaday Aqalka dowladda Hoose ee Xamar arrimaha la xiriira hakinta imtixaanadkii dowladda ee xalay la baabi’iyay.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu Maanta u tegay Arday badan oo Banaanbax ka dhan ah ahaa Go’ankii lagu joojiyay Imtixaankiii shahaadiga ahaa ka dhigay Muqdisho,waxaana Ardaydaas oo uu u tilmaamay in aysan aheyn aheyd.

HALKAAN KADAAWO

“Waxaan isku dayey inaan ardeyda la hadlo, Waxaan arkay Arday Uma Ekeyn dad Dhagax Tuuraya oo aan Caadi ahayn baan la Kulannay,Aniga Waxaan aamisanahay waa naloo kaga badnaa haddaan nahay Bahda Waxbarashada wixii dariiqa taagnaa”ayuu yiri Wasiir Goodax.

4 Comments

  1. Ardaydii imtixaanka afar maalmood galay haddana laga joojiyay hadii eey banaanbaxaan ma Qaran Dumis ama Argagaxiso miyaa????
    Mudane Wasiir imtixaanka adigaa keenay adigaana lagaa hoos xaday maxaad u joojisay maalintii afaraad ka dib. Imtixaanka hadii banaanka lagu arkay waxeey ahayd shaqaalaha Wasaaradda Wax barasha in tilaabo laga qaado. Imtixaanka la joojiyay ma aha aha in qishka ardayda dhan wada heshay. Imtixaanka la joojiyay waxey dhibaato u keyneysaa ardayda oo idil kuwiii qisha helay iyo kuwii qishka aan helin marka ma aheen in dhib oo wada simana lagula kor dhoco ardayda oo idil.
    Si yaalo kale oo xal ah ayaa jiro si dhibka iyo fadexada dhacday loo yareeyo.
    Haddana banaanbixi laga cabanaayi imtixaanka ayaad rabtaa in aad siyaasadeysid oo ka dhigti Qaran naceeb iyo Dowlad naceeb iyo Argagaxiso.
    Kulli fidno waa go’aanka qaldan aad gaartay marka filimkale ummadda ha u saarin.
    Mudane Wasiir shaqaalaha Wasaarada wax ka qabo ama adiga wax iska qabo dhibka aad ardayda aad u keentayna si deg deg ah u xali.

  2. Maasha Allah wataas somalidan rabaa inaan ku noolaadi åka qaladkaaga qaado ama meesha dhaaaf mahadsanidin dhalinyari waa xaqiinii Ada mudada la,aydeen o so ceshanetsaan

  3. ASC.
    KU:Wadani.
    Labo arimoodba waan kugu raacsanahay.
    Tan hore waa runtaa oo haddii Imtixankii dugsiyada sare ee xamar laga helay meelo ka baxsan wasaarad ku sheega waxbarashada wwaa fashil ka yimid wasaarada iyo shaqaalaheeda.
    Tan kale ayana waa sax oo ardaydoo dhan ma wada heli karaan QISH.Hase ahaate xamar lagala quushay cadaalad iyo ammaan.Xadida iyo iyo musuq-maasuqu caadi iyo waxaan la qarin bay ka noqdeen xamar.Xattaa dad badan oo an raali ka ahayn musuq-maasuqa xamar bay dani ku kalifaysaa in ay qaataan.Sababtoo ah way iska bateen xadida iyo laa-laabku.Wax haddii ay meel ku bataana marka dambe caadi bay u ekaadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.