DAAWO VIDEO:Arin Naxdin leh Wilmo yar oo Hooyadi Musqul Ku Tuurtay Hargeysa oo laga Soo saaray Naagta oo Gacanta..<Halkani Riix Video Daawo>

Hargeysa ( CDQ )- 15/05/2019- Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta abaaro 1:26 Pm lagu soo wargeliyay samatabixinta Ilmo yar oo lagu Riday Musqul dhererkeedu qiyaas ahaan ahaa 10 M kuna taallay Xaafada Oktoobar ee Degmada Axmed Dhagax.

Ciidanka ayaa ka hawlgalay sidii ilmahaas looga soo saari lahaa Suuliga, waxaana ciidanku ku guuleystay inuu ka soo saaro suuliga, iyadoo xubin ka mida ciidanka oo adeegsanaya xadhkaha Samatabixinta iyo sallaamada uu gudaha u galay godkaas kana soo saaray iyadoo Ilmahaasi noolyahay Caafimaadkiisuna uu aad u wanaagsanayahay.

Kadib ciidanka Dab-demiska ayaa Ilmahaas yar oo caafimaad qaba ku wareejiyay Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Halkani Riix Video Muuqaalka

Masuuliyiinta waaxda hawlgelinta iyo caafimaadka ayaa hawlgalkaa hogaaminayay sidoo kale waxaa isaguna goobjoog ka ahaa hawlgalkaa Duqa caasimada hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

Guud ahaan hawlgalkaas ayaa ku soo dhamaaday guul iyadoo ilmahaasina hadda Caafimaad qabo.

Ciidanka dab-demiska ayaa laga soo bilaabo aasaaskii ilaa maanta sameeyay badbaadooyin iyo samatabixino iyadoo ay u dambaysay kaalintii ciidanku ka geystay gurmadkii roobabkii khasaaraha geystay ee hal maalin ka hor ka dhacay gudaha Magaalada Hargeysa.

6 Comments

  1. Shaaficiyoow waa inakan oo ku ma aynaan af garanin maandhe. Maxaynu ka hadalnaa?

    Maxaa se Puntland iyo gobteenan Harti qisadan naxdinta badan soo dhex galiyay oo aad noogu baaqday?

    Waa maxay hadalkaagan is daba marsan saaxiib? Warka noo balballaadhi odayga habarta wax loo saar ee. Naw!

  2. Markay marqaman bay caruurta dilaan waa wacal yaa ku yiri dhal reer fisqi waa duli child abuse waad yaabi walahi waxa wacal heehabaya hargeysa stop children abuse

  3. Ilam has waa ree puntland ama khatumo. Waayo way ku cayaan Markay gabdh dhasho.darood ama hawiye. Bal soo ogaada. Ilmhaa yar qabiil sas loogu galay. Ama dhulbahante ama majeerteen weeye. Gabadha Markay cayaan ninka qaba. Stress baa kudhaca. Markasay xumaan wayn sameeyaan waayo .madxweynahooda wakiil laha. Harti waan inaan qabanaa. Markay warkas maqlaan dumarka. Caruurtooda nacaan. Subxaanalaah. Subxaanalaah wakiil taani yiri iyo kaahin citiraafka waa yoocada markaan dad badan xasuuqo citiraafka waa diyaar nin cadaan baa noo sheegay si Aduunka dagalka I ogaado. Hada cidna nama oga. Ninka dhulbahante ee hargaysa jooga waxa uhaystaan. Lahaydte waxyar hadii laga dareemo waa feedh iyo xabsi.

  4. shaming-children-is-emotionally-abusive(domestic violence Message
    (Board)(Hargeysa-City)?..unhappy (waa arin ugub waa wax aan loo dulqaadan karin ficilka waxshinmo ee wiil sabbiga ee soomaaliyeed
    loo geeystay..?)talaabo sharci ah laga QAADO QOFKII KU KACAY?

Leave a Reply

Your email address will not be published.