DAAWO MUUQAAL :Wariye Jamac Daperani oo Loo Magacaby Afhayeenka Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Afhayeenka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulllahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 24, May, 12, 2019 ku Magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibraddiisa
shaqo

Waxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Jaamac Yuusuf Jaamac Jama Deperani loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

3 Comments

  1. Hambalyo iyo boogaadin baan hawada u marinayaa Mudane Dabaraani xilkan sare ee loo magacaabay waayo waa mid uu u qalmo xaqiiqdii. Waxay na u tahay fursad uu wax weyn kaga baddalo hab-u-dhaqankii hore ee waadifadaas qaayaheeda hoos uga riday.

    @Kabtan Kayse,

    Salaan sare baan hawada kuu soo mariyay kabtankoow. Nin yahoow in muddo ahayd ayaan naawilsanaa in aynu isku xulufeysanno hawlgalka aynu iidoorka ku karbaashno.

    Waxaan mar ba arkaa inaga oo isku bartilmaameed madaafiicda ku ridayna oo aynaan haddana iska war haynin. Hadal baan xasuustaa aad maalin dhawayd nafta yar ee iidooreysan ku wiiqday ee aan ka fahmay in aad “geyiga la oodwadaag ku la tahay” markaasaa qub la i yidhi.

    Ma Sool iyo Cayn baad gaashanka u daruurtaa mise Kililka Shanaad Kaysoow?

    Ramadhaan Mubaarak.

  2. @Korneyl Atoore,

    Salaan gobeed korneyle. Xerteenan Marqaan nin aad u culus baad xaqiiqdii ka tahay oo waliba golaha sare ee min aasaaskii wax ka soo dhisayay ka tirsan. Way dhacdaa in aaraada iyo afkaarta la isku maandhaafo oo had iyo goor ay isku dhacyo maan-ka-dirir ahi dhicaan oo waa caadi.

    Atooroow waanooyinkaaga wanaagsan ee aad niyad samida ku soo baahiso dad badan oo aan wax garad ahayn baa kugu yasa oo kugu maaga, laakiin ogsoonoow in aan anigu ka mid ahay inta faro-ku-tiriska ah ee aad kuugu qaddariya oo kugu na jacel xaqiiqdii waayo astaamaha iimaanka ayay ka mid tahay.

    Xaqiiqadu waxaa weeya Atooroow in ay Soomaalidu ku kala duwan tahay oo kuna kala dheereyso masalada xadaaradda iyo ilbaxnimada ah ee uu gundhigga u yahay la dhaqanka wanaagsan ee addmiga kale. Qaar naga mid ahi na hab saxaafadeedka faallada feenfeenan si qaldan looga fasirtaa oo lagu qoonsadaa.

    Meelaha aad wax ka dheehato iyo waxyaabaha aad xeeriso dar baa ka dhoohan oo kana arradan Atooroow ee sidaas u la soco oo ha ka daalin waanada Islaamnimo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.