DAAWO MUUQAAL DEG DEG:Puntland,Hirshabelle Iyo koonfur Galbeed oo Go’aan Bahdil Ku Ah Jubbaland Iyo Galmudug Soo Saaray

Puntland Ayaa Go’aan ka Duwan Kii Jubbaland iyo Galmudug Qaadatay kadib Shir Garoowe Ku Yeesheen Maamulada Puntland,Hirshabelle Iyo Koonfur Galbeed,Iyadoo Warmurtiyeed laga Soo saaray Shirkaasi magaalada Garoowe.

Madaxda Jubbaland iyo Galmudug Ayaa Xanaaq Dhawaan Uga Baxay magaalada Garoowe,waxaana Marqaan News Baahisey markii Ay ka Baxeen Garoowe Inay Puntland La Heshiisey Dowlada Faderalka Somaaliya oo xataa Ana Lasii Sagoontin Madaxda  Jubbaland iyo Galmudug.

Puntland Ayaa Sheegtay Inay Tageerayso Soomaaliya Wiixi dan Ugu jirto Shirkaasina Maamuladaasi ku heshiiyeen Is Garabsi.

Halkani Riix Video Muuqaalka

 

2 Comments

  1. Masiibada hoggaamineed ee Puntland ku gadaamani waa midda ah in ay madaxdeedu saamigii ay caawimaada dalka ku lahayd Xamar uga soo dhicin kari waayeen oo ay iyadii na u dhisi waayeen qorshe waxsoosaareed ee dhaqaalaha ay mudan tahay toos uga kasbato. Intaas dayaarad bay fuushan yihiin oo shirar suuradeyn ah ayay ku hawllan yihiin, wax tayo leh na ma soo kordhiyaan.

    Puntland oo ah dagalka dalkeena oogu baaxadda weyn ee ugu na straatijisan hawlaheeda horumarineed iyo dawleed ayaanu waqtiga shaqeed run ahaantii ku filnayn. Waxaa amankaag nagu noqday halka ay madaxdeedu ka heeleen firaaqadan badan ee ay safarada ku aadayaan mise shirarka maalaa yacniga ah ku berydareynayaan. Haddii mudnaanteeda la siin lahaa cidi ba miiska shaqeed madaxa kor uga ma soo qaaddeen xaqiiqdii.

    Puntland heerka ay iskufilnaanshaha ka gaari kari lahayd haddii xoogga qummaati loo saaro waa mid inta uu iyada baahiyadeeda oo dhan daboolo ay ku awoodi kari lahayd in ay yeelato hanti dheeri ah ee ay maamullada kale iyo Xamar ba wax ka deymin karto. Puntland martabaddeedii aasaasiga ahayd iyo mansabkeedii dhaxal galka ahaa labada ba waxaa ka af qabtay hoggaankeeda fiiradheerida ka arradan.

    Ma mudna halka ay maanta guurguuranayso iyo maamullada ay ka faca weyntahay oo ay cilaaqtankooda hoos isugu riddo xaqiiqdii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.