Daawo:- MD Farmaajo oo Gowr dhaw ka duulay garoonka diyaaradaha ee Garoowe kadib fashilkii kuyimid Shirkii Garoowe.

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ku Sagootiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo muddo sagaal cisho ah Garoowe u joogey shirkii Wada-tashiga Madaxda Soomaaliyeed.

Sagootinta weftiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Shirka wada tashiga ee Dowlada Faderaalka iyo Dowlad Goboleedyada ugu socday magaalada Garoowe ayaa gabi ahaanba bur bur ka dib markii ay isku fahmi waayeen qodobadii shirkaasi looga hadlaayay, waxaana shalay Goroowe ka soo baxay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland oo sheegay in shirkaasi uu socon waayay.

Dowlada Faderaalka Soomaaliya Wali kama hadalin sababta keentay in uu bur buro shirkaasi iyo in kulan kale la iskugu tagi doono si loo xaliyo Khilaafka Dowlada dhexe iyo Dowlad Goboleedyada dalka qaarkood.

6 Comments

  1. Afar arrimood baa kala boodsanaanta sababay:

    1. Madaxdan oo aan ahayn kuwo hoggaanka si dhab ah ugu qalma maadaama ay ka arradan yihiin farsamada dawlag wanaagga salka ku haya dawlad wadaagga iyo shaxda siyaasadeed ee ku xeeran.

    2. Madaxdan oo aan ahayn kuwo ay falsafadda Soomaalinimo maankooda iyo quluubtooda ka qoyantahay ee aad uga madhan aragtideeda dheer iyo dareenka muqaddasnimadeeda ee qummaati ugu bidhaamin lahaa masiirka dhabta ah ee ummadda Soomaaliyeed.

    3. Madaxdan oo ah kuwo damiirku aad uga liito ee dhaadi waayay halista xun ee ay faragalinta shisheeyuhu ku hayso jiritaanka iyo masiirka ummadda Soomaaliyeed iyo mandiqaddooda ballaadhan ee damaca weyn laga leeyahay.

    4. Ummadda Soomaaliyeed oo ay jahliga iyo ragaadku ka dhooheen darajada sarreysa ee ay Soomaalinimadu ku dhisan tahay iyo qiimaha aan la qiyaasi karin ee ay ku fadhido mandiqaddeeda kheyraadka lagu baahay ee caalamka kaga beeggan goob ka mid ah kuwa dunida oogu straatijisan ee ay nolosha oogu tayo sarreysa ugu noolaan lahaayeen.

  2. Farmaajo wuxuu Garoowe u tagay mala weydiiyay??? Waxaan u malaynayaa dadka uu kursiga ka tuurilahaa oo kala Xaaf, Jubbaland inuu inta uu Garoowe joogo in laga afgembiyo jagada Nasiib wanaag labada nin asaga siyaasada waa uga horeeyay Ragaan waxay siyaasiyiin ahaayeen markuu Shangani garaangarta ku waday.
    Kama warhayo rgaan in gobolkooda dadka jooga ay jecelyihiin.
    Ragga ah Nabad iyo Nolol oo uu ka mid yahay Salaad Cali Jrrle waa inuu kafariisiyaa shaqada uu u qaaday kla geyn iyo isku dirid

Leave a Reply

Your email address will not be published.