10 Comments

  1. Is ma lihi nin iga Puntlandersan baa jira, haddana xaqa iyo runta anigu ma dado. Waxaan aad uga xanaaqaa oo kana xumaadaa sida ay madaxda Majeerteen ee Puntland soo kala dhaxlayay geyigan qiimaha iyo qaddarinta uu dalkeena iyo Geeska Afrika ku leeyahay mudnaantiisa ka hagradeen.

    Marka aan khutbadda Deni dhegeystay waxaa iskugu kay darsamay dareemo dhowr ah ee qosol aan rakaaday iyo fajac aan la amankaagay ku jiraan. Awoodda dhaqaale ee uu Deni ku faanayo meeday? Puntland waxsoosaar tayo leh ee la taaban karo maba laha marka Woqooyi Galbeed iyo Banaadir lagu jimeeyo waayo Hargeysa iyo Xamar warshado ayaa ba ku yaalla badeecado soo saara. Dekadda Boosaasood oo waliba aan heerkii maanta looga baahnaa taagnayn baa u ah isha dhaqaale ee ugu weyn.

    Kheyraadkeeda lagu baahay shilin maalgashi ah dawladdu ku ma aanay sameynin oo ganacsiyada reer Puntland ee dhaqaalaha culus dibadaha ku lihi fursado iskaashi ah loo ma fidinin 20kaa sanadood ee ay Puntland jirtay. Siyaasiyiinta Hawiye ee Xamar iska xalaashaday dalkeena Soomaaliya deymo intaas oo milyan ah ayay gorodda u galiyeen inta ay shirkado shisheeye qaab musuqmaasuq ah heshiisyo ganacsi oo sharci daro ah magaca xukuumadda federaalka u saxiixeen ay waliba iyaga iyo xataa xaasaskoodu shuraako ka yihiin.

    Madaxdan Majeerteen faan iyo fatoosh ayay ka dhammaan la’yihiin halka ay Puntland fiiragaabnidooda iyo is ximintooda ku gabtay mansabkeedii taariikhiga ahaa iyo martabaddii dhaxalgalka ahaan lahayd ee ay maalinkan maanta ah mudnayd. Warshad Laasqoray baa ugu sokeysa oo iyana dan ba kama leh. Xamar oo kun jeer ka hormarsan oo ay haroowsadaan oo u na hanqal taagaan ayay camal ka dhigteen.

  2. wax badan waxaa ka qarinayaa cudur qabiil la yiraahdo oo ku haya.
    puntland way ka dhaqaale fiican tahay xamar iyo hargaisa. sababtuna waxaa weeye xamar waxa yaal dad kooban baa leh haragaisana dhowr nin baa warshadaha aad ka dhawaajisay.
    laakin puntland waxa yaala dadka oo dhan bay ku firirsan yihiin oo maaha meel dhowr nin dhawaale ku haysato. waxaa laga yaaba in xukunka dad kooban ku wareegay laakin dhaqaale maya.

    • Nacas qurbaha ku asaasaqaya baad tahay Abdi waayo haddii aad indhaha ka soo qaadi lahayd warshadaha Woqooyi Galbeed iyo Xamar ka shaqeeya iyo ganacsiyada caalamiga ah ee ka socda fikirkaa jilicsan maad soo bandhigteen.

      Saaxiib aniga aan la iga Daaroodsanayn oo la iga Puntlandersanayn baa ku leh Hawiye iyo Isaaq sanado badan bay Daaroodka kaga horreeyaan ilbaxnimada ganacsi ee casrigan.

      Ka hadal ragaadka gaamuray ee ay madaxda Majeerteen Puntland, oo ah geyiga dalka oogu baaxadda iyo tunka weyn, badeen iyo liidnimada ay aminkan wali Xamar ku baryayaan iyaga oo aanu Ilaahay badin.

      Runta iyo xaqa ka xig inta aad qabyaaladda qayaxan iska dayso.

    • Dan yarta ayaa Puntland ku soo yaacaysa iyagu na dhaqaale ma abuuraan ee culays dhaqaale ayay ku noqdaan. Adeegyada bulsheed na diiqad bay ka galiyaan dadka deegaanka ee xaqa koowaad u leh.

      Miyaad haysaa warshad kali ah ee Puntland waxsoosaar ka sameysa oo badeecadaha gudaheeda u dhoofisa iska daa dalka intiisa kale ee? Dhaayo dhaqaale bal wax ku dheehda.

  3. Qormadan waa mid xaqiiqiiqda ka fog,ninka ruuxa qorayna uu yahay qof cuqdadadeysan nacaybna iyo xumaani aay ka buuxdo.

    • Hadalkaagu waa mid muujinaya jahliga maanka iyo garashada kaaga gadaaman iyo in aad tahay qof nolosha ka aawdan waayo meeshan beelo laga ma hadlayn ee siyaasad iyo madaxda ayaa laga hadlayaa. Ka la garta labada.

      Waa marka labaad ee caddeymo cilmi iyo aqoon salka ku haya maad soo daliishanin aad dooddaada ku difaacato oo aragti iyo fiiro dhaqaale kumaad salaysiinin. In aad doqon tahay na waxaa ka marag ah in aad la shir timid hadal nacaseedka ah nin Warsangali ah baa Majeerteenka u cuqdadeysan oo naceb. Dib isugu noqo.

    • Ruux magaca facaweyn iyo maqaamka sarreeya ee ay Saldanadda taariikhiga ah ee Maakhir ka jaahilsan sidaada hadal ba u ma bannaana maandhe.

      Haddii aad af iidoor ku hadlayso diradiraalimadu waa dowgaa maadaama mingiskaagii lagaa diiday. Haddii kale orod oo taariikhda Sanaag soo baro.

      Magac iyo maamuus dhaxaltooyo ayaan u yeeshay oo ii ma dhinna. Doqon na ii ma meerin karo.

  4. Meet daarood degaa mana camiranto dadkuna ma wada dego iyaguun baa meel dadkale Hoos ordaya oo weliba xuman la ag jooja

Leave a Reply

Your email address will not be published.