DAAWO:- Guddiga Joogtada Wakiilada Somaliland oo si cajiib ah uga jawaab dalabkii ahaa in xasaanada laga qaado xildhibaan Dhakool.

Shir ay Magalada Hargeysa ku yeesheen maanta guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada maamulka Somaliland, ayaa waxay ku diideen in xasanaanadda laga qaado xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland.

Guddiga ayaa xeer-ilaalinta Somaliland waxay u soo gudbisay in xasaanadda lagala laabto xildhibaanka, balse guddiga ayaa dalabkaas ka biya-diiday, isla markaana dalbaday in xildhibaanka xorriyadiisa dib loogu soo celiyo.

Sidoo kale, guddiga ayaa ammaanay go’aankii uu gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi-jeex uu ku diiday inuu qaado dacwada xildhibaan Dhakool, isagoo xusay in xildhibaan xasaanad leh uusan dacwadiisa qaadi karin.

HALKAAN KADAAWO

Mudane Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada maamulka Somaliland ayaa dhawr casho ku xiran xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa, waxaana loo haystaa hadal uu siiyay warbaahinta oo uu ku sheegay in 18-ka May aysan ahayn maalin qaran, laakiinse ay tahay maalin u gaar ah ururka SNM.

Dhanka kale, Xarigga xildhibaanka ayaa wuxuu buuq iyo gacan ka hadal ka dhaliyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo uu kasoo jeedo, iyadoo xalay laga maqlay magaaladaas rasaas xoog badan.

Ugu dambeyn, Xarigga xildhibaanka ayaa lagu sheegay mid aan sharciga u dhigan Somaliland waafaqsanayn, maadaama uu xildhibaanku xasaanad leeyahay, isla markaana gurigiisa lagala soo baxay iyadoo aanay maxkamadi xukumin xariggiisa.

HALKAAN KADAAWO

8 Comments

  1. Perhaps we should begin an early celebration for an imminent historic victory for our beloved country of Somalia at the international courts. Word is in the air that Kenya is about to be slapped with a massive humiliating blow in respect of its ridiculous litigation by which it shamelessly attempted to lay a false claim on Somalia’s coastal territory. Kenya, and indeed the world, will once again wake up to the deafening roar of the Somali lion.

    In what will yet again prove a classic display of the sheer force of the Somali people’s power when they operate as one, our brave and highly qualified legal representatives have flexed their muscles on the international stage and are about to win the day in a spectacular fashion. Our heartfelt congratulations and best wishes go to them all. No wonder our age-old enemies are paying the world just to bring the great Somali people down to their knees. A united Somali Diaspora would change Africa.

    It is such a tragedy that our entire Somali Diaspora lacks truly visionary leaders who could seize this golden moment to rekindle the true spirit of Somali kinship, bring the Diaspora back together again, enable them to bury the hatchet, empower them to heal their past trauma and help them to warmly re-embrace each other and the bright dawn cracking on the horizon.

  2. ASC.
    1.Ninku haddii uu rabo in uu hadlo oo uu wax ka sheego maamulka soomaalilaan ha aado meesha uu reerkoodu dagan yahay oo markaas ha sheego waxuu sheegi lahaa.Haddii kale ee uu rabo in uu sii joogo hargeeysa afkiisa ha ka adkaado oo dadkiisa dhinac ha ka raaco.Macquul ma aha ninkaan martida u ahay baan ka sheegayaa waxuusan raali ka ahayn ee yuusan waxba i yeelin.Taasi ma shaqaynayso.
    2.Tan labaad dad baa u wada gafa beesha Dhulbahante oo dhan.Taasina waa qalad iyo aflagaado loo bareeray.Dhulbahante dambiile ma wada aha ee maantaa xaaladu ka qaldan tahay.Dhulbahantihii hore wuu yaqiin suu u maareeyo danihiisa ee waayahaan dambe baa wax si ka noqdeen.Wax kalena ma aha ee madaxda hadda Dhulbahante hor booda baa dano gaara ku dhex wada kuwii ummadda dhulbahante.Dhulbahante wuu leeyahay Tiro iyo tayo uu wax ku qabsado ee wakhtigaa maantaa u diidan.
    Ugu dambayn Ina Saciid Harti waligiis sankiisa ma uu taaban wiil asaagiis ah ee waayahaan baa xaajo meel mugdi ah ka gashay.

  3. Dhakoool.. 18 may. marka la dhaafo ayaa la soo daynayaa inta ka horaysa Xabsiga ayuu ka shaqaynaa qashinka ka gurayaa.

  4. Dhakool.. Reer ayuu ka xadayay Bariiis iyo Hilib ..18 . sanadood , Somaliland Police, ayaa qabtay xabsiga ayuu ku jiraa.

  5. Muuse handaraab ceebtiisii ayaa debeda u soo baxaysa
    digteetar
    askari
    weliba taariikh xumada u qormeysa ayaa kasiidarane
    LA ARKI DOONE
    badaluu
    badaluu

  6. Xilibaan adag dhe h
    xadhigaasi saamayn siyaasadeed ayuu ku yeelan doonaa somalilash
    waanu is hubaa xilibaanku libaaxii wadani ee mr ciro ayaa ciyaarta soogeli

Leave a Reply

Your email address will not be published.