DAAWO:- Duqdii hore ee Muqdisho Thabid Abdi oo si adag u wareeray Wasiir Goodax “Waa nasiib darro dhaqanka wasiirka uu la yimi”.

Guddoomihii hore ee gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed ayaa waxa uu ka hadlay go’aankii wasiirka waxbarashada  Soomaaliya  Cabdullahii Goodax Barre uu ku joojiyay imtixankii u socday Ardayda sanadkaan dhameysay  Dugsiyada Sare ee dalka iyo banaan baxyadii ka dhashay arinataas.

Gudoomiye Thabit ayaa  go’aankii Wasaaradda waxbarashada ku tilmaamay mid nasiib daro ku ah mustaqbalka Ardayda Soomaaliyeed, waxa uuna Wasaarada waxbarashada ugu baaqay in ay muujiso dabacsanaan waxna ka badasho go’aankii ay gaartay.

HALKAAN KADAAWO

Thabit ayaa kula taliyay dhinacyada ay quseyso arintaasi sida Ardayda, waalidiinta iyo Wasaaradaba in ay isku aragti ka noqdaan sida laga yeelayo Imtixaanka Dugsiyada Sare ee wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ay qaadeyso, kaasi oo haatay hakad ugu jira si aan la isla waafaqsaneyn.

Guddoomiye Thabit ayaa sidoo kale dhaliyarada Soomaaliyeed ugu hanbaliyeeyay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku asteysan 15-ka May oo maanta looga dabaal dagay magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Hadalka Thabit ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay ay banaanbaxyo xoogan ay ka dhaceen inta badan gobolada dalka iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasi oo ay dhigayeen Ardaydii laga joojiyay imtixaanka dowladda ee sanadkaan kaasi oo ay hakad galisay wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare.

HALKAAN KADAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.