Akhriso:- DFS oo Kenya siisay jawaab jilicsan oo aan laga filayn ”Walaac ayaan kaqabnaa talaabooyinka Kenya”.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (“dowladda Soomaaliya”), iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhowaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey Dalkugalka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah uga walaacsantahay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan u safray magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen wasiirro iyo xildhibaanno, ay xinnibaad ku sameeyeen saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka Kenya, Baasaboorradoodii laga qaaday, ka bacdina dib loogu soo celiyay Muqdisho.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa walaaca ay ka qabto in dib loo soo celiyay baaritaanka dheeriga ah ee lagu sameynayo Soomaalida safarka ku aadda Nairobi, iyada oo qasab looga dhigay inay magaalada Wajir ku hakadaan si baaritaan amni loogu sameeyo. Arrintani waa mid ka hor imanaysa heshiiskii ay labadeenna dowladood hore u galeen ee ku saabsanaa in dullimaadyada Muqdisho-Nairobi ahaadaan kuwo toos ah.

Tallaabooyinkaasi waxay carqalad ku yihiin xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidaasdarteed, dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dowladda Kenya inay xeeriso carqaladaha ay keeni karaan tallaabooyinkaasi oo ay ilaaliso xiriirka soojireenka ah ee u dhexeeya labadeenna dal, isla-markaana tixgeliso dabciga dublamaasiyaddeed iyo ixtiraamka labada waddan kala mudan yihiin.

Dowladda Soomaaliya waxa dhankeeda ka go’an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxaynu sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo fursaddan ka faa’iideysanaysa waxay tixgelin iyo qaddarin aad u sarreysa u ballanqaadaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya.

4 Comments

  1. Waxaan maqlijirey “Aabboy nin yar iga celi oo nin weyn igu sii daa” soo kuwii markay UN iska celinayeen ku doodayey inay dal xor ah yihiin, ALLAH ha u nacxariiste Aw-KUUKU wuxu yidhi “HOOYO, AABBE MA KA CABSANAYSAA?”

    • Caddey,siyaasaddu maa aha sida mooryaantu u fahmeen ee ah ayraa igaarka facaa waaye iska celiya,CC Shakuur,Fiqi,hebel salaad,iyo qaarkale OO badan ayaa sidaa suubin lahaa,meesha waxaa jooga siyaasiin run ah oo aan shaley daaqadda ka Soo gelin meesha,siyaasaddu wax yar ha u malayn 12 sano OO iskuu ah iyo 5 sano OO jaamacad ayey u baahan tahay shahaadada ugu horreysaa,Fiqi OO kale haddii uu wasiir arrimaha dibadda ahaan lahaa muxuu KU hadli lahaa Baad u malaynaysa?

  2. Farmaajow Hogaamiye aad u xun aan soomaali wax ku sookordhin karin baa tahay Hogaamiye waa nin shacabkiisa jiheeya. Soomaali aduunkoo idil bay ku kala firirsantahay qaarkood waa ganacsato waaweyn oo maalin walbo la dhaco la dilo Farmaajo uma danqanaayo

  3. Aniga waxaana aaminsanahey waad ka waddanka Kenya na loogu keenooya ee soddonka sano dhibaatada ummadda Ku Haya yaan na looga keenin mar kale

    #kenya_Iyadaa_Ogaan_Doontaa_Ciddey_Dani_Ugu_jirto

Leave a Reply

Your email address will not be published.