SAWIRO:- Shil gaadhi oo dad badan ay ku dhinteen ayaa ka dhacay gobolka Bari.

inta la hubo 3 qof ayaa dhimatay 11kalena waa ay ku dhaawacantay shil gaari oo dhacay duleedka degmada Carmo ee Gobolka Bari, shilka gaari ayaa ka dhashay gaari kuwa dadweynaha ah iyo mid booyad ah sida ay muujinayaan sawiro goobta laga soo qaaday, dadka deegaankuna ay xaqiijiyeen.

4 qof oo dhaawac ah ayaa xaalkoodu aad u culus yahay, dhamaantoodna waxaa lagu dabiibayaa cusbitaalka Bilcil ee Degmada Carmo, dhaawacyada culus ayaana lagu wadaa in loo qaado Magaalada Boosaaso saacadaha soo socda.

Dadka ku dhaawacmay shilka, ayaa markiiba loola cararay isbitaalka degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaasi oo haatan lagu dabiibayo dhaawacyadooda.

Shilalka noocaasi ah, ayaa ku soo noq-noqday laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka waaweyn ee Puntland, iyadoo weliba xilligaan ay u dheertahay roobabka gu’ga oo meelaha qaar burbur u geystay laamiga.

HALKAAN HOOSE KADAAWO SAWIRADA

1 Comment

  1. Allaha u naxariistointa dhimatay Waxaan ku eedeynayaa Mas uuliyiinta Gaadiidakaoo aan awoodin in darawalada inay kala hadlaan idaacadh inay ku kaxeeyaan gaariga s xawligooduuu hooseeyo Inay kantorool sameeyaan>
    FARIINTA IN AY ORODKA YAREEYAAN KELIYAH MA AWOODAAN INAY FAAFIYAAN. Ma kantoroolikartid just hadal

Leave a Reply

Your email address will not be published.