Shirkadda DP-World oo si rasmi ah uhakinaysa howlihii shaqo ee ay kawaday Berbera iyo Muuse Biixi oo codsi degdeg ah diray.

Shirkadda DP-World ee maamusha Dekada Magaalada Berbera ayaa sheegtay in ay joojisay balaarin ay ku samaynaysay Dekadaasi.

Hakinta balaarinta Dekada ayaa timid kagadaal markii dhismaha lagu samaynayay uu ku tagay Haamaha kaydka Shidaalka dhuumaha Maraakiibta ka soo qaada ee Badda ku rakiban.

Madaxweynaha Soomaaliland oo dhowaan gaaray magaalada Berbera ayaa la lagu wadaa in uu arintaasi xal kagaari doono, madaama hidhiiska lala galay Shirkadda uu qeyb ka ahaa balaarinta Dekedda.

Waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu sahmin doono dhul kale oo dhuumaha Shidaalka loo raro maadaama uu maamulka Shirkaddu soo jeediyay in ay dhuumuhu aad ugu dhowyihiin halka la doonayay in lagu balaariyo Dekadda.

Tan iyo markii ay Shirkadda DP-World la wareegtay maamulka Dekedda Berbera ayaa waxaa taagnaa caqabada dhismaha Dekeddaasi kasoo wajahaya dhuumaha Shidaalka qaada, Muuse Biixi ayaana arintaasi kulamo kala yeeshay wax garadka iyo Ganacsada wax kala soo degta Dekedda Magaalada Berbera.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.