Dhagayso Waraysi:- Xagee ayuu ku dambeeyay dadaalkii lagu heshiisiinayay beelaha Cumar Maxamuud iyo Bah-hararsame? ”Roobab curtay iyo xoolaha oo is dhexgalaya”.

Xili qaybo kamid ah Koonfurta gobolka Sool ay ka da’een roobab lagu diirsaday oo sababay hayaanka reer guuraa badan ayaa waxaa deegaano ka tirsan goboladda Mudug iyo Sool ka bilowmay kulamo isugu jira wacyi gelin iyo adkeynta nabada, kuwaas oo u dhex maray odayaal dhaqameed kasoo kala jeeda labada dhinac.

C/laahi Daaroor oo ah gudoomiyaha isku xidhka dhalinyarada deegaanada Magacley iyo Qoriley oo waraysi gaar ah siiyey Marqaannews ayaa sheegay in meel wacan ay marayaan dadaalada nabadeed ee laga dhex wado dadka reer guuraaga ah, isagoona xusay in kulamo ay la qaateen odayaal dhaqameedyo ka socday dhigooda oo ay isku af garteen adkeynta nabad gelyada deegaanka

Waxa uu sheegay in shir weyne balaadhan loo balansan yahay si loo dhameeyo wax walba oo ku saabsan adkaynta nabadeynta labada Beelood ee walaalaha ah oo marar badan ay diriri dhex martay.

HALKAAN KADHAGAYSO

1 Comment

  1. Cumar, Cali, Garaad, Awal iyo Jeclo mise Ciise, Madhibaan iyo Cayr iyo magac kasta oo qabiileed waa uun astaan aadminimadu ku salaysan tahay ee uu qasadkeedu yahay in dadku marka ay is guursanayaan ay ku ka la badbaadaan kuwo kala war la’ oo ka la xarrimani in ay isku sigtaan ama se isku ba dhacaan. Ujeeddada qabiilku taas uun weeye.

    Waxii astaantaas nasabeed ka baxsani dadku waa wada aadmi baahiyaha iyo duruufaha nolosha isku si uga siman oo inta had ba dhul ood wadaag ku ahi ay laga ma maarmaan ku noqonayso in xaqiiqadan dhaadaan oo ay iska kaashadaan oo kuna midoobaan waxii dantooda ah ee ay baahiyaha iyo duruufaha iskaga aqab tirayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.