Dhagayso Waraysi:- Mid kamid ah wasaaradaha cusub ee Puntland oo la kulantay Fadeexad kadib markii ay xaday….

Maamulka degmada Bender Bayla ee gobolka Karkaar ayaa wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland ku eedeeyay in ay Musuq Maasuqday agab biyaha lagu keydsado xiliyada abaaraha kuwaas oo loogu talagalay in si siman loo gaarsiiyo degmooyinka Puntland.

Gudoomiyaha degmada Bender Bayla Siciid Aadan Cali (Anteeno) oo u waramay Marqaannews ayaa sheegay in haba yaraate degmada Bender Beyla aan xiligan la gaarsiin agabkan oo ah Xababka Biyaha lagu keydsado oo uu tilmaamay in Hay’adda FAO ay ugu deeqday degmooyinka kala duwan ee Puntland balse wasaaradda Xanaanada Xoolaha ay Musuq maasuqday sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in xiligan ay abaaro daran ka jiraan degmada Bender Beyla isla markaana muddo saddex sano ku dhow aysan dhibic roob ah ka da’in degmada iyo deegaanada u dhow.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Siciid Aadan Anteeno gudoomiyaha degmada Bender Bayla sheegay in ay ka warheleen qeybinta xababka gaaraya 20 xabo oo loogu talagalay in la gaarsiiyo deegaanada uu ka kooban yahay gobolka Karkaar balse uu tilmaamay in si naxariis darro ah ay wasaaraddu u musuq maasuqday maadama uu sheegay in ay xil iska saari weyday u gurmashada dadkii ay wakiilka uga ahayd degmada Bender Bayla iyo guud ahaan Puntland.

Masuuliyiinta Wasaaradda xanaanada Xoolaha Puntland ayuu ugu dambeyn ugu baaqay in ay wax ka qabtaan arintan isagoona dhinaca kale tilmaamay in uu xiriir la sameynayo Hay’adda FAO si uu ugala hadlo deeqaha biyo dhaamiska ah iyo Xababka ee la gaarsiin waayay degmada Bender Bayla.

HALKAAN KADHAGAYSO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.