Degdeg:- Duqeyn lagu dilay kuxigeenkii hogaamiyaha Daacish oo laga fuliyay buuraha gobolka Bari ”Wasiirka Amniga oo hadlay”.

Wararka ka imaanayaa tuulada Xariiro oo hoostagta degmada isku-shuban ee gobolka Bari ayaa sheegay in duhurnimadii maanta halkaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed.

Duqeynta ayaa lala beegsaday gaari nooca raaxada ah oo aan ilaa iyo hadda la aqoonsan shakhsiyaadka saarnaa balse dadka degaankaasi ku sheegeen laba ruux.

Qof ku sugan nawaaxiga tuulada Xariiro oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in mudda duqeyntu ku socotay gaariga ilaa uu ka shiilmay oo gebi ahaanba bas-beelay, isagoo xusay in laba qof saarnaayeen gaariga, laakiin jirkood gubtay oo aan la kala garan.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo isna uwaramay VOA-da ayaa sheegay in wasaaradiisa ay xooga saari doonto xurreynta deegaanada ay joogaan Alshabaab iyo Daacish waxaana uu cadeeyay in duqeyntii uGu dambeysay lagu dilay sargaal muhiim ah oo kamid ahaa kuxigeenada Cabdiqaadir Mu’min oo ah hogaamiyaha Daacish ee Somalia.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.