Degdeg:- Dad si xun usoo dhaawacmay gowr dhaw lasoo gaarsiiyay isbitaalka wayn ee Caasimadda Puntland.

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in maanta Caasimadda Puntland ee Garoowe la gaarsiiyayDad dhaawacyo ah kuwaas oo laga keenay deegaano kale oo katirsan Gobolka.

Dadkaan ayaa ku dhawaacmay sida Marqaannews loo xaqiijiyay shil gaari oo ka dhacay Degmada Dalsan oo katirsan Gobolka Nugaal isla markaana dhanka Bari kaxigta Caasimadda Puntland.

Siciid Maxamed Siciid oo ah Guddoomiyaha tuulada Dalsan oo lahadlay qaar kamid ah warbaahinta Puntland ayaa  sheegay in laba ruux dhaawac culus ka soo gaaray dhacdadaanj oo ahayd shil gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay laamiga u dhexeeya tuulooyinka Dalsan iyo Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal.

Waxa uu xusay in gaariga shilka galay uu siday 5 ruux  oo ka kooban 4 qof oo walaalo ah iyo hooyadood oo ay ka keeneen degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaasoo lagu soo kabay, kadib markii ay jabtay.

Qoyskan ayaa shilka galay, xilli ay ku socdeen magaalada Garoowe, kadib markii uu laamiga kala baxay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen, waxaana halkaasi ku dhaawacmay  hooyadii carruurta dhashay iyo hal gabar, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha Dalsan.

Saddexdii qof oo kale ayaa ka badbaaday shilka, waxaana hooyadii da’da ahayd iyo gabadhii oo dhaawacyo culus qaba loola soo cararay isbitaalka  magaalada Garoowe oo haatan lagu dabiibayo.

Shilalka gaari ayaa ah kuwo si xowli ah ugu soo badanaya deegaanada Puntland, iyadoona sanadkii hore ay dhaceyn shilalkii ugu badnaa muddooyinkii dambe.

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.