Daawo:- Wasiirka Waxbarashada Somalia oo runta usheegay Puntland “Shahaaho aan teyda ahayn ma shaqeyso ee Puntland yaysan is waalin”.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Sanadkaan Puntland ay diidday ka qeyb-galka Imtixaannaadka guud ee dowladda, kaas oo ay qaado Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Puntland iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay ka dhaxeysay dood dheer taas oo keentay in Puntland ay diido ka qeyb galka imtixaanka,waxaana waalidiinta iyo ardayda uu uga digay inay dhibaato ku keento.

Madaxda Puntland ayuu sheegay in uu uga digay inay go’aankaas gaaraan,waxaana uu sheegay inay isku tashadaan madaxda Puntland maadaama ay go’aankaas diidamada ah wada gaareen.

HALKAAN KADAAWO

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sanad walba waxa ay qaadaa Imtixaanka dowliga ah ee Dugsiyada Sare taas oo Shahaadooyin ay ku qaataan ardayda Sanadakan ka qalin jebineysa dugsiyada Sare ee dalka.

2 Comments

  1. There goes the Federal System.

    Puntland may gaar iskaga istaagto hadey sidan waxwalba u diideyso?

    Dawladu may may amaanka ku tuntuunsato intey imtixaan caruur laga qaadey ku meereysaneyso?

    Sidaan u arko anigu Budhleyd waxey u dhexeysaa dhagax iyo meel adag. Keligeedna ma go’i karto oo Cashuurta Reer Muqdisho wey u baahan tahay, mana dooneyso iney amar ka qaadato Dawlada Federaalka ah ee ay marna ku abtirsato marna tidhaahdo anaa dhalay oo waa cunugeygii. Wareer.com

    Haa sidaan anigu isleeyahay waa xaaskii koowaad ee Dawlada dhexe, waxeyna ka hinaastey Afarta kale ee lala guursadey. Waxey rabtaa in la biilo oo ay iyadu biilkaas maamulato. Taasi ma xumee oo dawbey u leedahaye maxaa jira? Waxey kaloo rabtaa in odeygu kuwa kale dabar ku xidho iyana bilaa dabar ay meeshey doonto ugu duusho. Cajiib.com

    Odeygu mana furikaro mana xukumikaro. Wuxuu taagan yahay islaantii xadhkaha ayay goosatey ee tolow sideen u dabraa.

    Ha wareegto giraantu.

  2. ASC.
    KU:Axmad.
    War marka hore ma jiro nidaam ama sharci u dhaxeeya xamar iyo gobalada oo ka hadlaya waxbarashada.Waxaase lagu heshiiyey in uu gobalkasta u madax banaan yahay waxbarashadiisa.Saas darteed xamar iyo punhaan kama dhexeeyo iskaashi waxbarasho.Isla markaas nimanka xamar jooga ma aha niman la aamini karo oo waa musuq-maasuq miiran.Hadda ka hor baa la yiri hala soo uruuriyo dhawr boqol oo arday oo ka wada yimaada soomaaliya oo dhan.Xamar baa la isugu keenay.Maalinba maalin bay lahaayeen u kaadiya wali waxbaa dhimane.Aakhirkii waxaa meeshii ku soo haray ciyaalkii reer puntlaan.Kuway qaadeena waxaa la kala geeyey sudaan iyo yemen.Markii ay tageen wadamadaas bay waxba ka garan waayeeyn af carabig.Adigu warkoo dhan qoladaas marna waayahaan lama aminayo oo waa duul uu shaydaan ku tacalimiyey xumaan iyo xaasidnimo joogto ah.Kama wado dadkoo dhan ee waa kuwa masuuliyiinta ah intooda badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.